Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo soo saaray Wareegto Jidaynaysa Cashuuro Cusub

0

Hargeysa-(Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa maanta soo saaray wareegto lagu dhaqan-gelinayo Cashuurta ku dhejinta Tigidhada ee lagu magacaabo (Revenue Stamp).

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu wareegtidiisa ku socodsiiyey madaxda Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda inay dhaqan-geliyaan wareegtadan .isaga oo Wasiirku dadweynahana  ku wargelinaya  in tigidhada cashuurtan ay ka heli karaan xafiisyada cashuuraha Barriga ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Geesta kalena kulan lagaga hadlayey dhaqan-gelinta iyo is-ticmaalka tigidhada cashuuraha  ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal. Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen saraakiisha ciidanka ee kala duwan, mulkiilayaasha Nootaayooyinka, madaxda garsoorka ee gobolka Awdal, gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Boorame, xoghayaha dawlada hoose  iyo xeer ilaalinta gobolkaasi.

Kulankaas oo uu furay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal, ayaa waxa  warbixin tilmaamaysa habka isticmaalka tigidhada cashuuraha ka jeediyey La-taliyaha Waaxda cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Aadan Nuur  Lo’doon isagoo sheegay in maalinta sabtida ah ee 12 bisha May uu dalka Somaliland oo dhan ka dhaqan-gelayo habka tigidhada cashuuraha.

Tigidhada  cashuuraha ku dhejinta oo u qay-bsan afar qay-bood ayaa  qiimahoodu kala yihiin kun Shilling, Lix Kun Sh.S.land,Toban Kun Sh.S.land iyo Labaatan kun oo Lacagta Shilinka Somaliland ah. Kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta,waxgaradka,salaadiinta iyo aqoon yahanka  mid ka mid ah beelaha laga tirada badan yahay ayaa lagaga hadlay horumarinta dhinacyada kala duwan ee beeshaasi u baahan tahay  isla markaana ay ku taageereen qaranimada Somaliland ayaa maanta lagu qabtay huteelka         Hadhwanaag ee caasimada hargaysa.

Kulankan waxaa hadal dheer ka soo jeediyay la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi waxaanu ka warbixiyay waxqabadka dhinacyada kala gedisan leh ee xukuumada talada dalka haysaa ay u samaysay beeshan uu ka tirsan yahay waxaanu tusaale u soo qaatay Waxbarashada iyo shaqaalaysiinta dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxday ee beeshan ka soo jeeda,waxa uu la taliyuhu ku booriyay sidii ay door muuqda uga ciyaari lahaayeen doorashada golayaasha deegaanka ee soo socota.

Waxaa kale oo halkaas hadalo kala duwan ka soo jeediyay Suldaanka Guud ee beeshaasi Suldaan Iid C.laahi Xirsi, Boqor Axmed Iimaan,Suldaan Nadiif Seed Jibriil iyo Suldaan Daakir Xasan Khaliif,oo dhamaantoodba iska daba maray sida ay u haboon tahay wada jirka iyo kor u qaadista meeqaamka ay beeshani kaga jirto ummada Somaliland waxaa kale oo madashaasi laga soo saaray baaq ka kooban sideed qodob oo ku wajahan ilaalinta qaranimada Somaliland iyo ka qayb qaadashada arrimaha horumarka.

 Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.