Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo xukuumadda ka dalbaday xisaab-celinta caawimooyinka Hay’adaha caalamiga ah

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa soo saaraydhaqangalka Misaaniyad-sanadeedka 2012 oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiiladu.

Wasiir Sammaale waxa uu Digreetadiisa kaga dalbaday Hay’adaha xukuummadu inay u soo gudbiyaan bilkasta xisaab-celinta deeqaha Hay’adaha caalamiga ahi siiyaan wasaaradda Maaliyadda iyo qorshaynta qaranka, si loo geliyo miisaaniyadda qaranka.islamarkaana lacagaha shirkadaha maalgashi  lagu shubo xisaabaadka dawladda.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu faray Hay’adaha dakhli-ururinta inay ka hawlgalaan soo saarka dakhli ee laga rabo iyo xisaab-celinta kharash ee Gobolada iyo degmooyinka.

Digreetada Wasiirka Maaliyaddu waxay u qornayd sidan; “Anaga oo fulinayna go’aanka Ansixinta Miisaaniyadda 2012 ee Golaha Wakiiladda Lr. GW/G/KF/559/2012 ee 04-04-2012 IYO DIGREETADA Madaxweynaha JSL/M/XERM/249-1026/042012 ee 07-04-2012 iyo xeer Madaxweyne Lr. 0225/0421012 ee 07-04-2012 oo lagu baahiyay Dhaqan Galka Miisaaniyadda sanadka 2012.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa nidaamkii iyo tilmaamihii loogu dhaqmi lahaa Miisaaniyadda sanadka 2012, oo ka kooban Dakhli iyo Kharashba.

Dakhliga:-

Dhamaan Wasaaradaha Dawladda Dhexe iyo Hay’adaha Dawliga ah ee u xilsaaran Dakhli ururinta waxaa lagu adkaynayaa inay u hawlgalaan qiyaasta Dakhli ee laga rabo inay soo xareeyaan, ee ku tilmaaman shaxda deegaamaynta halkan ku lifaaqan, idinkoo raacaya shuruucda, Tacriifadaha iyo hab xisaabeedka Dawladda, kuwaas oo wareegtooyin gaara la idiinku soo gudbiyey.

Waxa kale oo xusid mudan in madaxda sare ee Hay’adaha Dakhli ururintu iska saaraan xil dabagalka, soo xaraynta iyo ogaanshaha heerka dakhliga (kor u kaca iyo hoos u dhacaba).

Kharashka:-

Kharashka Miisaaniyadda sanadka 2012 waxa uu ku salaysnaan doonaa hadba inta uu yahay Dakhliga ina soo gala, taas oo la idinku wargelin doono wareegto hadaba xaaladu sida ay tahay sadexdii biloodba hal mar.

Iyadoo laga duulaayo qaabkaas ah isku dheelitirka Dakhliga, Kharashka iyo shuruucda Maaliyadeed, waxa la raaci doonaa qodobadan hoos ku qoran:-

Kharashyada la hakiyey ilaa Wakhti dabe:-

Kharashka dhismayaasha iyo wadooyinka

Kharashka Daryeelka Ceelasha

Kharashka Iibsiga Hantida noockastoo uu yahay

Kharashka Noolka Safarada Dibada

Kharashka Safarada Gudaha

Kharashka Mashruuca Tarminta dhirta

Kharashyada Data-baseka iyo Cilmi baadhista (Economic Resaearch)

Kharashaadka gaarka ah

Kharashka Kabka Raashinka

Kharashka bixinta Magaha

Kharashka Dhiirigalinta Shaqaalaha

Kharashyada 20% ka mid ah la hakiyay ilaa wakhti dambe:-

Spare parts

Stationery

Martiqaadyada iyo Munaasabadaha.

Tababarada

Talaalka Xoolaha

Habeen dhaxyada

Kharashka Caafimaadka

Isgaadhsiinta

Kharashyada yar yar

Waxa reeban in la galo kharash dheeraad ah ‘’Over Expenditure’’ oo ka baxsan Miisaaniyadda, eeg xeerka nidaamiyaha xisaabaadka Dawladda Qodobkiisa 17aad xubintiisa 1aad.

Waa inaan isticmaalka kharashyada lagu koobin magaala madaxda oo kaliya ee lagu fidiyo, laguna baahiyo dhamaan xafiisyada Gobolada & Degmooyinka Dalka, iyadoo la raacayo habka waaranada si loo af-jaro cabashooyinka ka yimaada Gobolada iyo

Degmooyinka.

In awooda kharashka (Warrant) ay gaadhaan dhamaan Gobolada & Degmooyinka sadex bilood walba bisha u horaysa, una soo diraan xisaab celin xaruntooda maamul saddex bilood walba.

Biilasha taagan ee ka soo hadhay sanadkii hore ee 2011 waxaa loo bixin doonaa qaabka ay ku baxaan kharashyada Miisaaniyaddu.

Kala wareejinta Miisaaniyadda (Budget Variation):-

Sida uu qeexaayo Qodobka 16aad xarafkiisa 3aad ee xeerka Maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka, wixii kala wareejin Madax xigayaasha waxay ka bilaabmi doonaan  1-july Waxa ka reeban in kharashka shaqaalaha iyo Hantida raagta wax laga wareejiyio.

Fulinta Siyaasada 2012:-

Sida ku cad go’aanka Golaha Wakiiladda ee kor ku xusan waxa lagu ansixiyay lifaaqa

Siyaasadda Miisaaniyadda 2012,  waxaanan halkan idiinku soo gudbinayaa Qodoabada ugu muhiimsan ee u baahan inaynu si wada jira u fulino waaxa sidan:-

  In wixii Ha’adaha Caalamiga ah ku caawiyaan Hay’adaha Dawladda Heshiisyadooda loo soo gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, sidoo kalena xisaab celintooda bil kasta loo soo gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda.

 In shirkaha Maalgashiga ee ganacsi nooc kasta oo uu yahay lacagaha ay bixiyaan lagu shubo khasnada Dawladda.

5. Hantida Dawladda:-

Hanti kasta oo Qaran, ha noqoto mid guurto ag ama ma guurto ah, waa in ay lahaataa Diiwaanada kala duwan ee sharcigu qeexayo, kuna sugnaataa xanaanayn iyo daryeel fiican.

Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha laga codsanayaa inay Wasaarada Maaliyadda u soo gudbiyaan warbixinta Hantidaas ay u xil saran yihiin, iyaga oo raacaya wareegtadii iyo foomamkii ay Wasaaradda Maaliyaddu hore u soo gudbisay.

Board of Survey:-

Waxaa intaas dheer, sida uu qorayo Xeer nidaamiyaha Bakhaarada Qodobkiisa Lr. 110 aad in sanadkan la samayn doono Guddi Hantida Dawladda (Board of Survey).

Sidaas darted; waxaa la idin xasuusinayaa inaad si rasmi ah ugu diyaar noqotaan, idinka oo nooc kasta oo hantiyeed halinaaya Diiwaanada u gaarka ah.

Gebo Gebo:-

Mudanayaa; inkasta oo dhaqaalaha dalku aanu ahayn mid xoogan, maadaama aanu jirin wax soo saar badan oo dalku dhoofiyo hadana dhaqaalaheenu waa mid marba marka ka dambaysa soo xoogaysanaya, waxaanan gebagabadii idinla socodsiinayaa in yoolka Wasaaradani yahay in Miisaaniyadda sanadkan 2012 ay si dhab ah u hirgasho sidii sanadkii 2011 kii, isla markaana laga arko isbedelka aan kor ku soo sheegnay anagoo ku raja weyn inaad dhinaciina wax nagala qaban doontaan, la’aantiina aanay suurtagalayn.