Wasiirkii hore ee Biyaha oo ka dayriyay inuu burburo heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo

0

Hargeysa(Berberanews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay inuu Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland dhex-maray Qarka u saaran yahay inuu Burburo, isla markaana waxa kale oo uu ka hadlay qaabka loo musuqmaasuqay Mashruucii Biyo-ballaadhinta Hargeysa ee Xumbo-weyne oo dhawaan uu Wasiirka Horumarinta Biyuhu shaaciyey inuu fashilmay oo Lacagtiisii la lunsaday.

Baashe Cali Jaamac oo Maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxaannu Qodobbada kala duwan ee uu ka hadlay iyo Xoghaha cusub ee uu iftiimiyey-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-