“Waxaan dadka tusayaa inaanu wax qabsan karno, Berberana inaanay lagac u baahnayn ee ay tallo iyo waxqabad u baahantahay..”Badhasaabka Gobolka Saaxil

5

Berbera-31-Dec-2011-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ku dooday in horumarinta gobolka Saaxil aanay u dabranayn dhaqaale la’aan balse ay u baahanyahay wax-wada qabsi iyo iskaashi.

Badhasaabka Gobolka Saaxil oo saaka kormeer ku tegay Jaamacaddii Culuumta Badda Berbera oo muddooyinii u danbeeyay dib-u-dhis iyo qalabayni ka socotay, ka dib markii laga wareejiyay Guddidii hore u maamulaysay, una magacaabay guddi cusub, ayaa weriye ka tirsan Berberanews uga warramay kormeerkiisa, issagoo sheegay inuu dhammaaday dib-u-dhis muddo dhawr billood ah ka socday oo ay ku baxday lacag $60,000 oo dollar ah. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 31 December 2011 waxaa runtii maanta sharaf ii ah inuu dhammaaday dhismihii dib u hayabaynta Jaamacadda Culluumbta Badda Berbera, waxaana ku ammaanan Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada oo isku xilqaamay  sidii goobtani ugu ekaan lahayd meel wax lagu baran karo oo aad arkaysaan inay noqotay meel u qalanta in wax lagu dhigto oo lacagta naga gashay gaadhayso $60,000 (lixdan kun oo dollar) haday tahay dhismaha, laydhadhka iyo qurxintaba.”ayuu yidhi

Badhasaabka Gobolka Saaxil waxa uu sheegay markii ay bilaabeen dib-u-dhiska jaamacadda inaanay wax lacag ah gacanta ku haynin, marka laga reebo $15000 oo ay Wasaaradda Tacliintu ugu deeqday, isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Qandaraaska dhismaha Jaamacada waxaannu ku saxeexnay $59,731 anagoo aan shilin lacag ah haynin, wasaaradda waxbarashada waxaannu ka helnay lacag gaadhaysa $15000 oo doolar inta kalena maamulka Saaxil baa bixiyay, waana Ilaahay mahadii in jaamacaddii noo dhammaystirantay. Waxa kale oo aan bulshadaugu bushaaraynayaa inaanu helnay qallabkii Jaamacadda oo $40,000 oo dollar ah, kombuyuutaro, kuraas iyo buugaagtiiba.”

 

Badhasaabku waxa uu dhalliilay fikirka qurbojoogu ka aaminsanyahay horumarka iyo wax-qabsiga, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Qurbojooga beenta loo sheegayo ee dadka gaar ahi lacagta ka urursadaan waxaan ogaysiin lahaa inay ogaadaan dhismaha jaamacadan cid lacag naga bixisay inaanay jirin, qurbojoog ka qaybqaatay ma jiro, ganacsato ka qaybqaadatay ma jirto waxaanan dadka tusayaa inaanu wax qabsan karno, Berberana inaanay lagac u baahnayd ee ay tallo iyo waxqabad ay u baahantahay.”

 

Berberanews.com

Berbera, Somaliland

Email, info@berberanews.com

5 COMMENTS

  1. waxaan Hambalyo u dirayaa Badhasaabka Gobolka Saaxil, oo fakar iyo firfircooniba u soo bandhigay, shaqadiisana u daacadyahay. Ilahay ha kula qabto xaaji.

  2. Aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay badhasaabka gobolka (ramaax) berberina waxay u baahantahay halyeeyo isagoo kale ah oo hankoodu ka sareeyo halkan maanta la marayo

  3. remaax waxa aan leeyahay hawsha aad qabatay way wanaagsan tahay laakin intaa uun lagaagama fadhiyo eel fikirkaaga ka fogee in aad afarmaqsin ood istan baraysay aad soo sawirtid