“Waxaan jecelaystay inaan ku durko jagada Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiillada oo aan iska sharraxo,” Md. Baashe Maxamed Faarax.

0

Somaliland-(Berberanews)-Guddoomiye Ku xigeenkii 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa marki u horraysay ka hadlay is-casillaadii uu u gudbiyay Golaha Wakiillada Somaliland ka dib markii uu bannaanaaday Kursiga Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee uu banneeyay Wasirka Cabdicasiis Maxamed Sammaale.

Md.. Baashe Maxamed oo maanta ka soo degay Madarka Berbera, ayaa sheegay inuu jeclaystay kursiga uu banneeyay Cabdicasiis Sammaale, sidaa daraadeedna uu ku rajo-weynyahay inuu ku guulaysan doono, ““Waxa jirta in Walaalkay Cabdicasiis Maxamed Samaalle Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda uu baneeyay xilkaasi ka dib markii uu noqday Wasiirka Maaliyadda waxaanu ahayn labada Guddoomiye Ku xigeen, waxaan jecelaystay maadaama oo walaalkay ka baxay meesha inaan ku durko jagada Guddoomiye Ku xigeenka koowaad oo aan iska sharaxo,”ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.


 

Md. Baashe oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waan iska casilay xilkii Guddoomiye Ku xigeenka labaad waxaanan u taagan nahay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad, waxaanan ku rajo-weyn nahay inaan ku guulaysan doono. “

Xildhibaan Baashe oo ka hadlay rajada uu ka qabo inuu ku guulaysto xilkan, ayaa yidhi,“Rajo-wanaagsan ayaan ka qabaa, waxa kuu caddaynaysa inaan rajo ka qabo. Waxaanu ahayn laba Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo ka labaad waa isku mid. Markaa ismaan casileen haddii aanan rajo ka qabin.”

Waxa madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Maareeyaha Ha’yada SRA C/Waaxid C/Qaadir C/Raxmaan iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda.

Berberanews.com

Berbera, Somaliland

Email,info@berberanews.com