“Waxaan ku calinayaa in Somaliland iyo dawladdeedu ay diyaar u tahay Gogoshadii aannu waligayo u fidinaynay Walaalayaga gobollada Bariga….” Madaxweyne Siilaanyo

0

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Itoobiya u dhoofay maanta…Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markale gogol nabadeed ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobollada Bari ee wax ka tirsanayaa dawlaDda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland iyo weti uu hoggaaminayo oo maanta socdaal shaqo ugu kicitimeen caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, ayaa xog-waran kooban uu warbaahinta ku siiyey madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxa uu ku sheegay inuu markale ugu baaqayo gogol nabadeed oo lagu xaliyo wixii tabasha ah ee ay tirsanayaan bulshada reer Somaliland ee gobolada bari isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi; “Arrinka Bariga waxaanu anagu jecelnahay inaan mar kale ku baaqo oo aan ku celiyo in Somaliland iyo dawladeenu ay diyaar u tahay Gogoshadii aanu waligayo fidinayna ee Walaalayo Gobolada Bariga in aanu mar kale u fidino oo aanu wada hadal wanaag iyo si afagad ku dhamayno wixii arimo ah ee imadaada nooc kastaba ha ahaatee, marnaba dadkayaga dhibaato la jeclin, in aanu wanaagaa iyo nabadaa ku baaqbaana maaha mid aanu ka hadhayno ama aanu ka daalayno.Taasi maaha mid aanu ka gaabinayno waa mid aanu marwalba diyaar u nahay”Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasasha ugu waramayay warbaahinta dalka

Sida oo kale Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa uu sheegay inuu dalka u itoobiya wada hadal la yeelan doono ra’iisalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo sheegay inuu kala hadali doono xidhiidhka labada dal isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu dalka itoobiya oo aanu kala kulmi doono ra’iisalwasaaraha haddii ILAAHAY yidhaahdo, dalka itoobiya, waxaanu ugu socona sida caadiga ah. Itoobiya waa dal aynu saaxiib nahay jaar nahay waxa badani naga dhaxeeyo”

“Kolay marka muddo la joogaba dhaqan iyo hido ayay inoo ahayd in aynu had iyo gooraale arrimaha mandaqada ka socda isaga warano oo halkaan wixii wadatashiya ee danaha khuseeya labada dal aanu ka wada hadalo, safarka aan ugu socdaa  sidaa weeye itoobiya waxa kale oo meesha ku jira oo kale ma jiraan insha alle waxaanu rejaynayaan in sidii caadiga ahayd waxa danta labad dawladoodba ku jirta aanu ka wada hadali doono.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo warbaahinta kula hadalayey qolka nasasha ee Madaarka.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa itoobiya ku weheliyaan Wasiirada Arrimaha Dibada Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan iyo Marwada koowad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamiina Xaaji Maxamuud Jirde.

Inta ay socdaalka ku guda jiraan wuxuu Madaxweynuhu sheegay inay wada hadal la yeelan doonaan Ra’iisalwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi iskulan soo qaadi doonaan sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo xaalada guud ee mandaqada.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.