“Waxan hambalyo u diraya M S/land xidhiidhka taariikhiga ah ee Taiwan” Musharrax Cabdicasiis yare

0

Hargeysa(Berberanews)-Musharrax Cabdicasiis Yaasiin Xuseen (Cabdicasiis-yare) oo u sharraxan tartanka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

Cabdicasiis Yaasiin Xuseen (Cabdicasiis Yaasiin-yare) oo ka sharraxan Gobolka Saaxil, ayaa maanta boqollaal dadweyne ahi ku soo dhaweeyeen Madaarka Cigaal ee Caasimadda Hargeysa.

“Waxaan maanta halka ku shaacinayaa inaan ahay musharrax u taagan Doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil.” Ayuu yidhi Cabdicasiis yare, oo u mahadnaqay dadweynaha soo dhaweeyay.

Musharrax Cabdicasiis yare waxaa uu madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyay xidhiidhka dalka Taiwan oo uu ku tilmaamay mid taariikhiya.

“Waxaa kale oon hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Somaliland xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee aynu dhawaan la samaysanay Dalka Taiwan”