Waxka Baro Cudur-sidaha HIV iyo Xannuunka AIDS

0

Qalinka Deeq Shugri.. Siyaabaha loo kala qaado,  aan loo kala qaadi Karin, la  iskagana ilaalinkaro.

Saynisyahano badan ayaa u tiriya in fayraskan ama xanuun sidaha HIV asal ahaankasoo jeedo qaarada Africa, khaastan galbeedka Africa. Dhacdadan ayaa dhacday markii nin u dhashay Kinshaansa waa caasimada Dalka Dimuquradiga Congo e  laga helay dhiigisa xanuunsidaha dilaaga unugyada difaaca ee jidhka.

deeq

Dhiigiisa oo ka mid aha kaydad dhiig, oo la ururiyey waqtiyadii horaantii 1940kii ilaa 1950kii. Sida aadka loo aaminsan yahay aya ah in xanuunkani uyahay mid bini aadmiga uga imid, faraca nooc kamida ah daanyeerka oo ku noola wadaankaasi congo oo loo ugaadhsan jirey cuno ahaan.

Waxaa se si cad loo huba in horaantii 1970kii xanuunkan laga helay dalka maraykanka, 1971kii ilaa 1981kii xanuuno badan oo aduunka ku cusbaa awgeed iyo aqoonta caafimaad oo yarad masuuro galin in xanuunka magac loo shaaciyo addunkana losoo bandhigo, lakiin daba yaqadii sanaddi 1982kii ayaa sarakiisha caafimaadka adduunka iyo waxgaradku bilabeen adeegsiga iyo soo shaacsarida xanuunkan oo lagu magacaabay AIDS (Acquired immunodeficiency syndrome) Weeraha Difaacayasha Qofka Bini Aaadam ka ah.

Waxaa haatan laga joogaa muddo 32 sannadood ah, markii xanuunkankan halista ahi ee aan wali daawo sax ah oo ku haboon loo helin ee HIV/AIDs laga aqoon saday dunidda, waxaana sanadkii 1988 kii kowdii bisha December la bilaabay olalahii ugu horeeyey eek u wajahan in dadka laga wacyi galiyo ama loo sheego sida xanuunkani loo kala qaadi karo, waxanaa lagu magacaba ila haatan WAD (World Aids Day) waa 1st December  e.

Qoraalkan waxaan doorbidey Akhristeyaal inan idinkula wadaago aqoon Hufan oo ku saabsan Xanuunka HIV/AIDs, walow ay jiraan khubaro iga sii xeel dheer inta aan kaso bartay ama kazoo shaqeeyey xanuunkan.

Hadaba, sida ku cad warbixinaddi u danbeeyey ee 2012 kaso baxay haya’dda caafimadka adduunka WHO( World Health Organization) , iyadda oo kaashanaysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xanuunkan ee UNAIDS (United Nation Programme on HIV/AIDs ) ee ku hawlan ka hortaga aafada xanuunkan, ayaa cilmi baadhisyo badan oo ay sameeyen kadib waxa ay ku ogaadeen qiyaas in dadka xanuunkani asiibay gaadhaaan 75 milyan oo qof, halka 36 milyan oo qof oo kamid ahi ay u dhinteen xanuunkani HIV/AIDS ka, halka manta lagu qiyaaso dadka la nool xanuunkan ama qaba 35 milyan dunida oo dhan. 3milyan iyo badh in kabadan waa caruur da’doodu ka yar tahay 15 sano jir, halka inta kale na ay yihiin da’da 19 ila 59 inta u dhaxaysa.  Dad lagu qiyaasay ila 10 malyan ku dhowaad ayaan kaba warqabin inay qabaan xanuunkan, iyaga oo isla markaasna ka qayb ah ama ka qayb qaata faafinta xanuunkan inu sii fido.

Ku dhawaad 6,300 oo qof ayaa qaada xanuunkan maalinkii kasta Adduunka oodhan, halka saacad kasta oo ka mida maalinkii lagu qiyaasay dadka qaada xanuunkan ku dhawaad 262 qof addunka oodhan.

Muddadaas laga joogo hada helista xanuunkani ee uu kuna sii fidayey dunidan ma jirto wax dawo rasmi ah oo qofka jidhkiisa dibada uga saaraysa xanuunkan. Balse dhowr iyo soddonka sannadood oo uu jirey xanuunkani waxaa la sameeyey hormar wayn oo laga gaadhay so saarida dawooyin tayo badan oo lasiiyo dadka qaba xanuunkan ilaa inta cimrigiisa alle ku simaayo, iyadda oo waliba dawooyinkaasi qaarkood ay qofka xanuunka qaba u sahlaan in xanuunkan fayras gudbiyaha ahi uu hoos u dhigo ilaa qofka dhiigiisa ay gaadhsiiso heer ay aad u yaraato in lagu arko( Undetectable).

Waxa ay dhaakhtiirta dunidu ku guuleysatay daawo ka hortagaysa oo masaxaysa gabi ahaan ba xanuunka qofka uu asiibo mudo ku dhow 72 saacadood gudahood,waa hadii u hore isku baadho e, dawadaas waxaa magaceeda la idhaa PEP ( Post Exposure Prophylaxis) dawadani waxa ay suuro galinaysa in aanu xanuunkani u gudbin ama galinba dhiiga ama dheecaanada qofka.

Waxaa iyanna jirta Farqi u dhaxeeya labada magac ee HIV iyo AIDS, oo inta badan dadku isku qaldaan,halka qaarkoodna ay u haystaan inayba isku midba yihiin AIDS iyo HIV.

Runtii waa laba xanuun oo aad ukala duwan HIV iyo AIDS, muddo laga joogo ku dhawaad 25 sanno ka hor, oo ay markaa cilmi baadhisyadii ugu horeeyey ee xanuunkan lagu sameeyey ayaa xanuunkan loogu magac bixiyey magaca AIDS, hada gara;oo aqoon badan markaas looma lahayn xanuunkan erey bixinta AIDS waa ( Acquired Immune Deficiency Syndrome) oo ah afsoomaali ( Weeraha Difaacayasha Qofka Bini Aaadam ka ah).

Hadda muddo kadib hormarka laga sameeyey dhinackastaba, ayaa waxa uu sababay in khubaradda ku xeel dheer xanuunkani ay ogaadaan in marka xanuunkani qofka ku dhaco aanu isla markaba aanu noqon AIDS ee uu qofku noqdo la noole fayraska sababa Xanuunkani , sidaasi darted qofka uu xanuunkani haleelay ee aan wali u dhicin ama aan gogol siif u noqon, isla markaasna aanu baabiin jidhkiisa ayaa hada loo aqoonsan yahay oo laguna tilmaama HIV oo ah erey bixinta (Human Immunodeficiency Virus). Halka qofka uu unugyada difaaca jidhkiisa baabiiyey isla markaana u ka dhigay dhul jiif, ee geerida uun suga  loo yaqaan AIDs.

Waxaa iyanna jirta siyaabo lagu kala qaaado xanuunkan iyo kuwo aan lagu kala qaadin, aniga oo isla marka waxka xusaya soona koobaya siyaabahaas:-

Su aasha ugu muhiimsan ayaa ah sidee loo kala qaada xanuunkan ?

Sida khubarada iyo dhakhaatiiirta baadhayasha ka ah xanuunkani, aadkana ugu xeel dheer ay xaqiijiyeen si waadix ah waa

Galmada (Sexual Contact): xadiga lagu qiyaasay aay ah in %85 xanuunkan lagu kala qaado galmada marka ay isku tagaan dheecaanka unuga taranka ee raga iyo ka dumarku, hadda ha u qaadan kaliya in lagu kala qaado galmada xaaranta. Arrinta  aadka umihiimka ah inla ogaado ayaa ah in haweenku ay laba jeer uga khatar badan yihiin ragga inay xanuunkan qaadaan, waxaa suuro ah inaanu ninku haddi uu u galmoodo gabadh xanuunka qabta aanu si fudud u qaadin, laakiin gabadhu marka ugu horaysa ee ay nin qaba u u tago xanuunka iyaddu markiiba way hee qaadaysaa, iyadda oo dumarku yihiin weel wax lagu shubto awgeed.

Hadda taas macnaheedu maha inaanay raggu qaadi Karin xanuunka, balse xanuunka HIV ayaa dunida inta la ogyahay ragga iyo dumarka qaba ay simanyihiin.

NB. Alla ha inaga hayee arin sida ku cad warbixinadda caafimaadka ayaa sheega in xanuunkani uu ku badan yahay ragga, raga u taga MSM,  %65 ama inkabadan dadka xanuunkani la nool dunidda oo dhan, inkasta oo aan daraasaddani ubadantahay wadamada reer galbeedka ah oo ay ku yartahay dunidda muslimka ah.

Hooyada oo ilmaheeda ay uurka ku hayso u dubisa , ka war qab in hooyadda iyo ilmaha ay uurka ku sidda ay wadaagaan hal unug,  balse hormar badan oo laga gaadhay xaga caafimaadka ayaa xusaya in haddi lagu ogaado hooyadu inay xanuunka qabto marka ugu horasya ee ay uurka qaado, markaa laga bad baadin karo hooyadu ilmaha ay uurka ku siddo. taas oo ay macnaheedu tahay wax jira daawo ilmahaasi ka bad baadinaysa inuu ka qaado xanuunkan hooyaddi haya ee HIV.

Caanaha Naaska Hooyada xanuunkani waxaa kale oo uu ku gudba hooyada qabta HIV oo caanaha naaskeeda ku jira siisa ilmaha dhashay.

Irbadaha Dadka Daawooyinka qaadta iyo xashiishada qaata ay wadaagaan, badanka xanuunka HIV ayaa wuxuu ku daban yahay dadka daroogada la isku muddo ama duro qaata ee irbadaha lagu qaato, haddii markaa ay la wadaag qof xanuunka HIV qaba markaaba qofku wuu qaadaya, waxa kale oo jirta walxaha loo isticimaalo dhaqan ahaan jarista hilib dalqaha, toobinta dhiga, rayiiska ee loo isticimaalo sakiinta, iyo biriha kale ee la midka ah.

Dhiiga qaba xanuunka oo lagu Shubo qof aan isagu qabin xanuunka (Blood Transfusion)

Hadii aan wax ka xuso waxyaabaha aan lagu kala qaadin xanuunkan sida ku cad warbixinadda joogtada ah ee ay soo saaraan haya’adaaha ku hawlan ka hortaga xanuunkan iyo khubaradoodu, waxaa ay inta badan carabka ku adkeeyaan inaan xanuunkan si fudud loo kala qaadi Karin,  marka laga reebo hawlaha aan kor kusoo xusnay.

FG: Xanuunkani kuma noolaan karo dhiiga ama dheecaanka qofka dibadiisa wax ka badan ilbidhiqsiyo, sidaasi darteed xanuunka laguma kala qaado siyaabahan.

Sallaanta  Dhunkashada, inaad tuwaalka lagu maydho aad la wadaagto. inaad cunto la cunto, inaad koob uu qofkaasi wax ku cabay ku cabto, candhuufta qofkaa laguma kala qaado waa hadii qof qaaba candhuuf kugu tufo e xita hadii candhuuftaasi afkaaga ku dhacdo kuma qaadaysid xanuunkani.

Candhuufta ( Saliva ) waxaa ka buuxa boqolaal walxood iyo faytamiino aan u suurta galinaynin xanuunkan HIV inuu ku dhex noolaado, khubaraduna waxay  xaqiijisay in fayraska HIV inaanu ku dhex noolaan Karin candhuufta qofka, dhididka, haddii qof qaba xanuunka HIV uu dhididkiisu kugu dhaco ma qaadaysid weeye.

Khubaradda caafimaadku waxa kaliya oo aay aad uga digaan waxa weeye labada qof ee is dhunkanaya hadii mid kood leeyahay xanuunkani ka kalana aanu qabin aanay dhunkashada dhinaca afka ah aanay aad ugu fogaanin, waayo waxaa suurto gal ah in labada qof ay qabaan nabaro afka ah, laba qof oo hada godal wada seexdana laguma kala qaado iyo waxii wax yaaba la nooc ah ba.

Waxaa iska jira Astaamo yar oo kooban oo lagu garan karo qofka xanuunkani qaaday marka ugu horeysa ee uu xanuunsiduhu haleelo, inta badan waxaa aqoonsan kara cid aqoon xeel dheer uleh oo wax ka taqaana xanuunkan.

Sida ay khubaradda xanuunkani waa HIV ga e ku takhasuustay tibaaxaan, ayaa marka uu qofku qaado muddo ku siman todoba cisho ilaa 8 cisho ah, boqolkiiba 80 dadka xanuunkani haleelo waxaa ay dareemaan ama isku arkaa calaamado doora ah sida:-

  • Xanuun u eeg duray aad u xun ( Flu like symptoms)
  • Xumad heerkeedu sareeyo ( fever raised temperature )
  • Finan Kasoo baxa inta badan jidhka guudkisa ( Body trash )

Calamadaaha aankor kusoo xusay waxaa iyanna soo raaca mararka qaar, Daal dheeraad ah oo uu qofku dareemo, muruqyadda jidha oo xanuuna, qanjidhada jidhada oo iyaga qudhooda uu ka dareemo xanuun,

Lix ilaa Siddeed cisho ayuu qofku callamadaha isku arkayaa, difaca jidhkiisa oo isdhimay awgeed dabadeedna wuxuu kusoo noqonayaa  caadi, waxaana suurtagala inuu qofku 10 sannadood ama ka badan iska noolaado isagoo aan ogaynba inuu xanuun qabo, isla markaana aan la arag wax calaamada ah, ka dibna uu u dhaco, markaasina uu isku bedelo AIDS.

Fiiro gaara ,

Hadda Macnaheedu maha in qofku qaaday xanuunka, hadii uu isku arko calamadaha aan soo xusnay, balse waxaa jira  xanuun badan oo kale oo dhammaanba calaamadahan oo kale leh, waxaase haboon inaad is baadho, marasta oo aad is baadho waxaad badbaadinaysaa naftaada, iyo nafaha dad kale labadaba, ogsoonow inaan wakhtigan ama xilligani aan HIV loo dhiman sidii wakhtiyaadi hore qaarkood, markasta oo hore laagaga helo xanuunkan ay fududahay sida lagu daweeyo, balse haddii uu kugu raago ay adagtahay sida lagaga daweeya.

Inta la qirsanyahay xanuunkan HIV ayaa wuxuu ka jira dunida koonkeeda dalkasta, isagoo u gudbay kana gudbay xuduud kasta mana yaqaano diin. Midab jinsi iyo da,a ,Luuqad midna. waxaana la xaqiijiyey in dunida koonkeeda dal kasta oo ku yaala ay jiraan dad xanuunkani la nool.

Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka uu samaynta ku leeyahay ama kamidka ah dalalka ayku noolyihiin dadka la nool xanuunka HIV, Xadiga dadka qaba xanuunka ee ku nool dalka Maraykanka ayaa dhan 1.1milyan oo ah 1,144,500 qof. 180,900 ayaan ka warqabin inay qabaan xanuunka balse qaba. Halka dalka Ingiriiska dadka qaba xanuunka ee kunool xadigoodu gaadho 98,400 oo qof, halka 211,900 aanay ka warqabin inaba ba qabaan xanuunka.

Haddaba, Saddex meelood oo laba inkabadan ama 70 boqolkiiba, oo u dhiganta 25milyan dadka la nool xanuunkan HIV waxa loo tiriyaa in ayku noolyihiin Sub-Sahara Africa, halkaas oo ay 88 boqolkiiba caruurta qabta xanuunkani addunka oodhan ay ku noolyihiin Sahara Africa, 47 dal oo ka mid ah qaarada Africa ayaa la isku idha Sub-sahara Africa. halkaa qaarada Africa oo dhami  ayka kooban tahay 54 dal kaliya.

Qaaradda Africa waxaa ku nool 75 boqolkiiba dadka qaba xanuunka HIV, halka qaaradaha kale ee adduunka isugayn dadka qaba ay yihiin 25 boqolkiiba. Caruurta da’doodu ka yartahay 15 ee qaba xanuunkan, %90 waxa ayku nool yihiin qaaradda Africa.

Hadaba Somaliland, Somalia,Putland  waxay ka mid yihiin dalalka dunida ee dad xanuunkani HIV la nooli ku noolyihiin, xadiga ay doonaan haba is dheeraadaane.

Darasaddahii ugu danbeeyey ee ay samaysay WHO iyadda oo kaashanaysa UNAIDS sida ku cad (Somalia country progressive report in 2008) dadka haatan is baadhay ee xanuunka laga helay ee qaata dawooyinka la idha antiretroviral therapy ee u diwaan gashan dawladdaha aan kor ku soo xusay,  ayaa ah xadi gaadhaya ila 6000 oo qof, waxaa se hubaal ah in tiradda saxda ah ee xanuunka             qabta eek u nool saddex dan dal ay intanka badantahay, madama ay jiraan bulsho badan oo qabta xanuunka misna aan kaba warhayn, mujtamaca ku nool goobaha aynu korkusoo xusnay waa 10,085,638 qof.

Halka dalkan Uganda warbixin ay si wada jira ah usoo bandhigeen Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Wakiilka dalka u fadhiya, Dr Walker Oladapo iyo wasiirka cafimaadka, Maj Gen Jim Muhwezi warbixin muujinaysaa , 7 boqolkiiba ragga iyo dumarka u dhexeeya 15 – 59 sano jir (800 , 000 oo qof Uganda ) ayaa qaba HIV . mujtamaca Uganda waa 34.5 milyan. Halka qaarada Africa oo dhan xadiga dadka xanuunka qaba ee isbadhay ee dawooyinka qaata ay gaadhan in kabadan 7milyan oo qof,hada kuma jiraan inta qarsanaysa xanuunkan, amaba wali aan isbaadhini, xadiga bulshada ku nool Africa waa 1.033 bilyan qof.

Ugu danbayntii, nuxurka qoraalkayga oo iskugu jira baraarujin, talo wacyigalineed, iyo tusaalaynba ayaa ah in aan kula wadaago, waajibna inagawada saran yahay in aynu walalahayga ku hadasha afka soomaaliga meelkastaba ha ka joogeen dunida e,  uuga digno halista iyo saamaynta xanuunkani kuleeyahay dunida iyo ayaa tiinka mustaqbalka umadeena, anaga oo ka duulaya xadiga xad dhaafka ah ee uu dunidda ugu faafaayo xanuunkani. Tusaale ahaan, Qaaradda Africa oo kaliya sanadkii 2012 kii oo kaliya waxaa qaaday xanuunka HIV 1.6 milyan qof, taas oo ay Umadda soomaaliyeed kunoolyihiin dhamaan dalalka Africa iyo Adduunka kale ba .

waxaan alle uga baryaya in alla ka dulqaado dhamaan umadda islaamka ah ee uu xanuunkani asiibay meelkasta oo ay joogaan, Beesha caalamkana usoo fudaydiyo helista daawadda xanunkan. waxaa alla quraankiisa ku sheegay in xanuunkasta oo dunida yaala uu leeyahay dawadiisa, balse uun ay aadamaha ku adkaatay inay helaan xanuunada qaar amaba HIV/AIDs kanba.

Runtii xanuunkan HIV waa xanuun kamida xanuunada ku dhaca bini aadamka ,ma aha masiibo loogu talo galay dad gaar ah, waxaan mar labaad alla uga baryaya in bulshada islaamka inuu ka nabadgaliyo, kana badbaadiyo xanuunkani, waxaa iga xusuusin ah ama aynu ognahay in qofkasta naftiisa uu isagu masuulka yahay inta alle ka sokaysa , oo uu naftiisa ka dhawro galmada xaaranta ah, iyo arinkasta oo uu halis ugu noqon karo qaadista xanuunkan, lana raaco digniinaha inooga imid xaga alle SWT, koley digniin ta alle ka wayn oo la bixiyo ooyny isu sheegno garanmaayo.  Runtii maaha oo qudha in qofku uu xanuunkani ku qaadi karo gelmada xaaranta ah, waxaa hubaal ah in laba qof oo si xallaal ah isku guursaday ay kala qaadi karaan, amaba siyaabo kale oo galmo baxsan kuso qaadi karaan. Waxaa iyaana talo usoo jeedinaya lamanaha damca inay is guursadaan oo guri xalaala samaystaan inay iska baadhan xanuunka ka hor aqal galkooda ama inta aanay ku kulmin sariirta; ceebna maha iska baadhista xanuunku waayo waxaad bad baadinaysa naftaada iyo nafkale, sida qoyskaaga iyo inta kugu xayndaabanba,

Camuu Hadda ha u qaadan in xanuunkan Caanaha geela iyo daawo dhaqameed lagu dawayn, karo.

Wabilaahi tawfiiq…

Qalinkii  Deeq Yousuf Du’ale Sed (Deeq Shugri)

Student of Kampla International University, Uganda

Master of International Relations and Diplomatic Studies.