Wayne Rooney Oo Ku Tilmaamay Messi Ciyaaryahankii Ugu Fiicnaa Ee Abid Adduunka Soo Mara.

0

(Berberanews Sports):- Weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney ayaa ka hadlay sida uu u jecel yahay xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi, isagoo ku qeexay inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee taariikhda kubada cagta adduunka ay aragto.
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa Barcelona ku hogaamiyay inay 7-1 ku xaaqaan kooxda Bayer Leverkusen kulankii lugta labaad, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Champions League shan gool ka dhaliya hal kulan.


“Messi wixiisa waa kaftan” ayuu Rooney ku qoray bogiisa Twitter ka dib markii Messi uu dhaliyay goolkiisii afaraad.
“Aniga ahaan waa ciyaaryahanka ugu fiican abid caalamka”

Ciyaartoyda kale ee intii ciyaarta ay socotay ka hadashay Messi waxaa ka mid ah:

Jack Wilshere: “Waa farxad in la daawado ninkaan”

Michael Owen: “Uma soo joogin inaan daawado ragii waa weynaa, lakiin ma rumeysan karo inuu jiro qof kubada cagta u soo ciyaaray sida Messi uu u ciyaarayo”
Steven Pienaar: “Barca adduunkaan waa ka baxsan tahay. Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka”

Halyeeygii hore ee England Gary Lineker ayaa isna yidhi: “Waxa uu ciyaaraa ciyaar aanan aqoon u laheyn”

Messi, oo noqday ninkii ugu horeeyay ee hal kulan oo Champions League ah shabaqa soo taabta shan jeer, ayaa sidoo kale kaalinta lixaad ee gooldhalinta koobkaan tan iyo markii loo aqoon jiray European Cup la qabtay halyeeyga Real Madrid Alfredo Di Stefano waxaana ay wada leeyihiin 49 gool.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam @berberanews.com

Berberanews Sports