Weerarrada Midabbada badan ee Somaliland lagu hayo

0

Somaliland cadowgeedu ma yara, mar uu si toos ah u soo badheedho iyo mar uu soo xulo dariiq kale amaba soo dhex maro dad uu yeeshay, dad ka tagay dadnimadii oo damiirkooda iibsaday. Haddaba dadkaasi ma daalaan, ma quustaan, ma hadhaan! maxay u quusan laayihiin? Maxay u daali waayeen? Maxaa u diiddan inay hadhaan?

Alaylehe waa waydiin mudan in laga warceliyee, sagagar dhuunigiisuba yahay cad quudheed, doqon caadaystay xoolo xaaraan ah, damiir laawe la tusay shilimo lagaga gadanayo dalkiisa, macangag loo taliyoo sida leebka loo rido, khashiin waxba isku fali waayey xishoon maayee si uu u bislaysto shilimaadka lagu hawl-galinayo sow ogolaan maayo awaamirta la siinayo, ilayn garashada ayuu sabool ka yahaye haddii la yidhaa gurigaaga gub sow gubi maayo. Waa qof aan micne lahayne, sow balaayo waliba kama suurowdo, lacagta yar ee lagu saboodhaa way uga culustahay wax walba oo dunida yaalla.

Maxaa Somaliland lagu haystaa? Ma godob baa loo hayaa? Yaa aano iyo utun ka tirsanaya? Haddaba waa yaabe maxaa daba dhigay ardaalladan? iyaduna waa waydiine waxay se warcelinteedu tahay;

Markii la arkay Somaliland oo horumar laxaadle ku tallaabsatay, markii la arkay dawladnimada ka tisqaadday, markii la hubsaday dimuquraadiyadda hana-qaadday, markii la gar-waaqsaday in waddankan horusocodkiisu xawli ku socdo, markii laysla gartay in Somaliland kaalin sida nalka u bidhaamaysa ka noqotay Geeska Africa ama Africa oo dhan, markii la wada ogaaday in waddankani kulansaday deeqo RAXMAANKU bixiyo sida (Islaamnimo, nabad, xasillooni iyo heshiis) waxa soo baxay dad uu haleelay cudur kufri-calooleed ah, dad uur-nacayb hayo, dad aad mooddo iblays maryo sita oo marleyba wanaagga iyo samuhu dhibo. Ardaallada caynkaa ahi Somaliland kuma koobnee, dunida oo dhan way joogaan, waa musiibo dunidu faraaro-hangool iskaga hayso, waa dad ku hawlan inay cudurka haya qaadsiiyaan bulsho dhan.

Balaayo-doonka Somaliland hagardaamada la damacsan, nacabka midabbada badan ee marba muuq isku yeela, gabaarreyda kusoo dhuumata meelaha loogu kalsoonida badanyahay ee wadaadka matalaya, muudalka dhunkaasha sita ee sunta loo soo dhiibay, addoonka la yeeshay ee aan qalbi naxa iyo arxan toona lahayn, taaggiisa hadduu ordo iyo haddii uu abidkii qayliyo iyo hadduu qori dab leh la wareego, midna waxba kuma yeeli karo, qoolna uma maleegi karo Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland.

Kolba Goob ayey Bar-tilmaadsadaan, oo way amranyihiine, imikana xarunta dhaqanka ee hargeysa iyo waxbarashada dalka tushuushku fura ayaa la yidhi.

Ama Xamar ha lagaa soo diro ama meel baas ha lagaa soo amree, Somaliland inyar oo carqalad ah sinaba uguma gaysan kartid.

“Miyaa la ii tudhay

Ninkii taag yaraa dhimaye”

 

Qalinkii: Axmed-Rashiid