Weeraryahanka Arsenal Oxlade-Chamberlain Oo Laga Yaabo Inuu Safto Kulanka Saaxibtinimo ee Holland

0

(Berberanews Sports):- Weeraryahanka da’ada yar ee kooxda Arsenal Oxlade-Chamberlain ayaa ka helay boos ciyaartoyda u safan doonta xulka England kulanka saaxibtinimo ee 29bishan ay la yeelan doonaan xulka Holland.

Tababaraha haatan muranka uu ka oogan yahay ayaa albaabada u furay ciyaaryahankan 18jirka ah isagoo ammaanay qaab ciyaareedka uu soo bandhigey kulamadii ugu dambeeyey ee kooxda Arsenal ay ciyaartay.

Capello ayaa sidoo kale waxa uu kala hadlay kaaliyaasha sida ay u arkaan xiddigan soo baxaya iyadoo la filayo in uu ka mid noqdo ciyaaryahanada Euro 2012 ka qeybgali doona.

Oxlade-Chamberlain ayaa dhaliyey labo gool kulankii ay kooxda Arsenal ee Blackburn Sabtidii, waxana uu yidhi: “Waa ay iska cadahay inay tahay mid wanaagsan in aan ka mid noqdo xulka England, balse waa inaan sameeyo dadaal dheeraad ah.

Laacibkan da’ada yar ayaa hadalkiisii sii raaciyey: “Waxaan hadda xoogeyga isugu geynayaa Arsenal waxana aan ka mid ahay xulka da’adoodu ka yar tahay 21jirka. Waana inaan xoogga saaraa hadda meesha an taaganahay.”

Mustafe Maxamud

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports