Weeraryahanka Barcelona Martin Braithwaite oo qalliin lagu samaynayo

0

Ciyaaro-(Berberanews)-weeraryahanka Kooxda Barcelona Martin Braithwaite ayaa lagu wadaa in qaliin looga sameeyo jilibka.

Xiddiga reer Denmark oo 30 jir ah ayaa ku dhawaaqay inuu dhaawac kasoo gaadhay jilibka bidix kulankii 2-1 kaga badiyay Getafe 29kii Ogosto.

Barcelona ayaa sheegtay inaanu helin jawaabta “daaweyn ku habboon” isla markaana uu qaliin mari doono “maalmaha soo socda.

Aguero oo 33 jir ah ayaan la filayn inuu soo laabto ilaa bisha October.

Weeraryahanka reer Spain Ansu Fati, oo 18 jir ah, ayaa sidoo kale weli ku sugan Barcelona xilli uu ku jiro kasoo kabashada qaliinkii jilibka.

Barcelona ayaa salaasada ku soo biiri doonta Bayern Munich garoonkeeda Nou Camp kulankooda ugu horreeya ee Champions League.