Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenku oo reer Gabiley kala hadlay dilkii Saameel, mashaariicna cusubna furay

0

Gabiley-(Berberanews)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maareeyaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa maanta gaadhay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan oo kala ah Laba Hool oo lagu soo kordhiyay xarumaha dawladda hoose iyo Agoomaha ee magaalada Gebiley, laba Fasal oo laga sameeyay Carro-tuulka iyo Jidad Laamay ah oo laga hirgaliyay isla magaaladaas. Weftigu waxa kale oo ay kormeer ku soo mareen Xarunta dawladda hoose oo dayactir ballaadhan lagu sameeyay iyo dhismaha Guriga Martida Gabiley oo laga bilaabay gudaha magaaladaas.

Maayarka Magaalada Gebiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Weftigiisa warbixin ka siisay Mashaariicdaa kala duwan, sidii lagu hirgeliyey, cidda hirgelisay iyo siyaabaha loo kala horreysiiyey iyo sidoo kale qorshayaashooda dhaw. Waxaanay Maayer Khadra sheegtay inay badi Mashaariicdaas hirgelisay dawladda hoose ee Gabiley oo kaashanaysa dhinacyo kala duwan, qaarna aan cid ka caawisay jirin.

Madaxweyne Ku xigeenka oo dadweynaha ku nool magaalada Gebiley kula hadlay Hoolka shirarka dawladda Hoose oo Munaasibad soo dhawayn ah loogu sameeyay, ayaa ka warramay siyaabaha horumar lagu gaadhi karo oo uu ku sheegay iskaashi buuxa oo dhex mara maamulka dawladda iyo dadweynaha ay u adeegayaan. Md. Saylici, waxa uu sheegay inay Xukuumaddoodu ku dedaalayso sidii ay uga wada dhabayn lahayd guud ahaanba ballan-qaadyadii ay ku bulshada u sameeyeen wakhtigii ay ku jireen ololihii doorashada Madaxtooyada sannadkii hore, kuwaasoo uu tilmaamay inay ka go’an tahay meel-marintuudu, iyadoo mudnaanta la siinayo hadba sida ay u kala mudan yihiin baahiyaha iyo horumarinta arrimaha bulshada Somaliland. Isagoo dadweynaha reer Gabiley u soo jeediyay inay si buuxda uga qayb-qaataan horumarinta gobolka iyo guud ahaanba dalka.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu ammaan u soo jeediyay Maayerka degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo uu ku tilmaamay qofka laf-dhabarta u ah hirgelinta mashaariicda faraha badan ee uu xadhigga ka jaray.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in shacbiga Gabiley looga fadhiyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Dhagar-qabeyaasha saddex qof oo aan waxba galabsan ku dilay deegaanka Seemaal degmada Baki ee gobolka Awdal. Wasiirku wuxuu shacabka Gabiley u soo jeediyay inay nabadgelyada ka shaqeeyaan, isla markaana aanay gacan siin cidda dembi ka gasha Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirrada Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Prof. Ismaaciil Muumin Aare, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr Axmed Xaashi Oday, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Maareeyaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, oo halkaa ka hadlay, ayaa dhammaantoodba ku amaanay Maayarka Gebiley, Maamulka iyo hawl-wadeennada dawladda hoose inay muujiyeen dedaal muuqda oo ay ku hirgeliyeen Mashaariicda furistooda ay Gabiley u tageen Weftigu. Waxaanay dhammaan Wasiirradu dadweynaha reer Gabiley ugu baaqeen inay dawladda kala shaqeeyaan dedaallada loogu jiro ka hortagga waxyaabaha nabadgelyada wax u dhimi kara iyo kuwo lagu raadinayo cidda geysatay dil horraantii bishan ka dhacay deegaanka Saameel.

Gebagabadii Munaasibaddaas, Maareeyaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye iyo Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, ayaa Shahaado-sharaf guddoonsiiyay Maayarka magaalada Gebiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Xoghayaha dawladda hoose ee degmadaasi.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.