Weriyayaal maalintii labaad ku xidhan Xarunta CID-da Hargeysa oo booqashada loo diiday iyo Maxkamadda oo u jartay Rumaan

0

 

Hargeysa, 21February 2012 (Berberanews)- Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo maalintii labaad ku xidhan Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa, ayay maanta maxkamadda Degmada Hargeysa u goysay  xadhig rumaan toddoba maalmood ah.

Suxufiyiintan oo Isniintii dorraad xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ciidamada ammaanka amar ku siiyay inay qabtaan iyada oo aan wax waaran ah oo maxkamadeed loo soo jarin.  Isla markaana waxa maanta loo gudbiyay Maxkamada, taasoo banaysay inay ku xidhnaadaan rumaan toddoba maalmood ah. Isla markaana waxay masuuliyiintu amreen inaan haba-yaraatee la arki karin Weriyeyaashan.

Suxufiga Xasan Cumar Xasan waxa uu u xidhan yahay ka dib markii uu Wargeyska Ogaal baahiyey Isniintii war uu  ka soo xigtayShabakadda Ramaasnews, warkaasoo la xidhiidhay xeebaha galbeedka Somaliland oo beryahaba la sheegayay in laga cabsi-qabay inay ka soo degaan kooxo Jabhadda ONLF ee dawladda Itoobiya dagaalka kula jiraa ka soo degeen Xeebta Buulla-caddo. Hase-yeeshee, maadaama oo uu xidhanyahay masuulkii shabakadda warka laga soo xigtay.

Marka laga yimaaddo xadhiga labadan weriye, waxa intii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay xabsiga loo taxaabay weriyeyaal tirobadan oo xadhigoodana aan wax sharci ah loo adeegsan, iyada oo ay ugu dambaysay tallaabo 15-kii January 2012 ay dawladdu hal mar xabsiga dhigtay 22 weriye, kuwaasoo amarka xadhigooda uu bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur).