Wiil ay Dhashay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo ku Biiray Jabhada Caare.

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wiil ay dhashay Xildhibaanad Baar Siciid oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, ayaa ku biiray Jabhada uu hoggaamiyo Col. Caare.

Wiilkan oo lagu magacaabo Yoonis Siciid ayaa lagu arkay isaga oo xidhan dirays ciidan isla markaana sita Qori noociisu yahay AK47, isla markaana ag fadhiya col. Caare oo hanjabaad usoo diraaya ciidanka Qaranka Somaliland.

lama garanaayo sababta keentay in wiilka ay dhashay xildhdbaanad Baar uu ku biiro jabhada Caare, hasa yeeshe waxa loo aanaynayaa in uu ugu biiray cadho uu ka qaaday dulmi uu sheegay in lagu hayo beesha uu ka soo jeedo.

wiilkan oo ah nin dhallinyaro ah, ayaa laga daawaday warbaahinta isago sheegaya in beesha uu ka soo jeedo lagu hayo dulmi badan.isla markaana aan loo ogolayn in ay xilal ka qabtaan xukuumadda, waxa uu fariin u muuqatay hanjabaad u diray ciidanka qaranka Somaliland oo uu sheegay in ay u adeegayaan cid gaar ah oo aanay dhex ka ahayn arrimaha somaliland.

Xildhibaanad Baar Siciid ayaan ilaa hada ka hadal talLaabada uu wiilkeedu ugu biiray jabhada Caare, dhowr jeer oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino noomay suurto galin ka dib markii ay naga qaban wayday Telefoonka Gacanta.

Berberanews.com, Hargeysa

email, info@berberanews.com