Xafiiska Gaadiidka ee Magaalada Berbera wuxu mudan yahay ku dayasho

0

Hargeysa-(Berberanews)-Cumar Cabdi Cumar, Agaasimaha gaadiidka ee magaalada Berbera waxa uu muujiyay shaqo wacnaan iyo dedaal dheeraada tan iyo markii loo magacaabay xafiiska maamulaha ee Berbera.

Cumar Cabdi, waxa uu isbedel maamul oo muuqda ku sameeyay xafiiska, waxa kale oo uu sare u qaaday hawsha shaqo ee xafiisku u hayo bulshada,  shacabka ku nool magaalada Berbera iyo guud ahaan dalka oo dhan ayaa ku diirsaday xafiiska gaadiidka ee Berbera,

Hadal haynta ugu badan ee  ka jirta magaalada Berbera, ayaa noqotay adeega ay dadweynuhu ku diirsaden gaar ahaana shacabka gaadiidka kala baxaaya dekeda Berbera, sido kale dadweynuhu waxa ay bogaadiyeen wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Cabdilaahi Abokor Cismaan maadama oo uu xafiiska gaadiidka ee Berbera u dhiibay masuul ku haboon oo hanan kara shaqada uu shacabka u hayo.

Amaanta iyo sumcada uu leeyahay xafiiska gaadiidka ee Berbera kuma koobna dadka shacabka ah, balse waxa iyana si weyn u bogaadiyay laamaha kala duwan ee ka hawl gala magaalada Berbera iyo Dekeda, kuwaas oo sheegay in uu tusaale u yahay in ay ku daydaan dhamaan xafiisyada kale,

Waa wax wacan in masuul uu tusaale u noqdo masuuliyiinta kala duwan ee ka hawl gala gobolada dalka,

Guntii iyo gebogabadii waxa aan leeyahay halkaas ka sii wad dedaalka iyo shaqada aad u hayso shacabka

 

W/Qoray, Maxamed Shabeel Yare
Hargeisa