Xannuunka COVID-19 oo haleelay Madaxweyne xigeenka Somaliland

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xannuunka COVID-19 oo faro baas ku haya bulshada caalamka, ayaa haleelay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa sidaa ku baahiyay bartiisa facebook, isagoo bulshada uga digay khatarta xannuunkani leeyahay, kuna booriyay inay qaataan tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka.

Qoraalka Saylici oo dhammaytirani waxaa uu u dhignaa sidan:

“Waxaan maalintii sadexaad la tacaalayaa xannuunka Coronavirus (Covid-19). Habeen hore ayaa jawaabta helay. Waa allah mahadii ilaa iyo imika xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay. Aniga iyo inta uu asiibay waxaan allah uga baryayaa caafimaadka sareecan ah.

Waxaan bulshada ku wacyigalinayaa in ay ku dhaqmaan fariimaha wacyigalinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dhakhaatiirta oo xil wayn iska saartay caafimaadkayaga.

Alla Mahad Leh.”