“Xaq uma leh inay shareecadeena faroeliyaan gaaladu” Sheekh C.raxman dheere

0

Hargeyska-(Berberanews)-Culimmada Somaliland ayaa ka hadashay shakhsiyaad dalka looga mastaafuriyay dembiyo la xidhiidha faafitaanka Diinta Kiristaanka.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere, ayaa khudbad uu maanta Jimcaha jeediyay kaga hadlay nin kormeere u ahaa Mashruuca biyo gelinta Hargeysa oo dalka looga saaray arrimo ka dhan ah caqiidada Islaamka.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo arrinta ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaa jira nin gaala oo mid aha kuwa ka shaqaynayay biyo gelinta kormeerka u ah, fasahaad iyo xumo badan buu dalka dhexdiisa ku samayn jiray. Waxaa Ilaahay mahadii ah oon aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Maareeyaha Wakaallada Biyaha, ilaahay khayr badan ha siiyo. Ninka wuu ka daba shaqeeyay waxaannu u gudbiyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo isna Ilaahay khayr ha siiyee go’aan geesinimo leh ka qaatay.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxman.

Halkan ka daawo khudbadda Sheekh Cabdiraxmaan oo dhamsystiran.