Xarunta Murtida iyo Madadaalada Muqdisho oo 22 sano ka dib albaabada loo furay, xusuustii waayo waayo, tartankii Heesaha hirgalay iyo haldoorkii hobollada Waaberi

0

Somalia-(Berberanews)-22 sano ka dib waxa maanta markii u horraysay albaabada loo furay Tiyaatarkii qaranka Somalia ee Muqdisho ka hor burburkii ku habsaday dagaalladii lagaga soo horjeestay xukuummadii keli-taliye Maxamed Siyaad Barre.

Tiyaatarka Muqdisho oo xarun fanneedka murtida iyo madaadalada hormood u ahaan jiray xilliyada qaarkood waxa sanad kasta lagu qaban jiray tartankii heesaha hirgalay ee fannaaniinta Somalia oo dhami ka qaybqaadan jireen, waxa kale oo uu caan ku ahaa riwaayadaha iyo fan-masrixeedka hobolladii caan baxay ee Waaberi iyo kuwo kale oo badan.

 

Haseyeeshee burburkii ku dhacay dawladdii midnimmada Somalia ka dib Tiyaatarkii Muqdisho ee looga soo hiloobi jiray Somalia oo dhammi waxa ku dhacay burbur iyo basasaas kala fogaysay fannaaniintii Somaliyeed ee murtida iyo madadaallada hormoodka u ahaan jirtay oo iyaguna dunida dacaladeeda ku filqay.

Haseyeeshee waxa maanta markii u horraysa boodhka dib looga tumay Xarunta Murtida iyo Madadaalada Tiyaatarkii Muqdisho oo xusuus waayo waayo leh ay la soo tooseen fannaaniintii iyo abwaannadii waagaas wacdaradaha ka dhigi jiray Xaruntaas.

Abwaan Aadan Tarabi oo ku sugan magaalada Hargeysa, kana mid ahaa fannaaniinta waawey, ayaa ka hadlay xusuusta dareenkiisa tiyaatartkii Muqdisho iyo waxyabaha uu ka xasuusto, “Tiyaatarka Xamar Wuxuu ahaa Tiyaarka qudha ee laysku arko oo lagu dhigi jiray heesihii hirgalay, riwaadaha iyo xafladahaba, waxa la dhisay 67kii meesha qudha ee umadda muraayadda u ahayd buu aha, xarunta ummaddam, xarunta fannaaniinta, ragga fannaaniinta ah ee ku soo baxay heesaha hirgalay waxa ka mid ah Xasan Aadan Samatar  iyo Maxamed Cali Burco.”sidaa waxa yidhi Abwaan Tarabi oo u waramay BBC-da.

Abwaan Tarani waxa uu sheegay in tiyaatarka Muqdisho qaado 1500 oo qof, halka ak Hargeysa oo todobaatanaadkii la dhidbay uu qaadi jiray 3000 oo qof, haseyeeshee waxa uu sheegay in fannaaniintii Walaalaha Hargeysa iyo Milaterigu aanay ka soo bixin tiyaatarkii Muqdisho oo ay ahaayeen fannaaniin ka horraysay.

 

Furitaanka hoygii fannaaniinta Somaliyed ee Muqdisho waxa maanta goobjoog ka ahaa Fannaaniin uu ka mid yahay Cabdi Tahliil Warsamme iyo madaxda dawladda ku-meelgaadhka Somalia oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Raysal-wasaare Cabdiweli Gaas, waxaanna lagu furay riwaawad la baxday “DARDAARAN WAALID” taasoo ay iska kaashadeen Abwaannada Cabdi Dhuux Yuusuf iyo Laashin Axmadey Cabdi Gaashaan, taasoo ka turjumaysa dhinaatada ku habsatay dalka Somalia

“Qofkii ogaa sida uu ahaa tiyaatarka iyo heerka uu gaadhay fanka Soomaaliyeed ee haddana arka sida uu maanta yahay waxaa hubaala in uu qofkaas murugoonayo, waxaanse leenahay hadda wixii ka dambeeya waxaan rajeyneynaa in uu dalka Soomaaliya noqon doono sidii uu ahaan jiray iyo ka sii fiican”sidaa waxa yidhi yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Berberanews.com

Muqdisho, Somali

Email,info@berberanews.com