Xasan Ciise Jaamac oo Xukuumadda ku eedeeyey qaabka ay u waajahday wada-tashiga laga yeelanayo Shirka London

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inaanay sidii loo baahnaa ahayn sida uu u abbaaray qaabka wada-tashiga ee uu hore u shaaciyey in lagu waajihi doono ka qaybgalka ama ka baaqashada shirka Somaliland lagu casuumay ee dalka Ingiriiska loogu qabanayo dhinacyada Soomaalida bisha labaad ee Berri kawda ah.

“Shirka la qorsheeyey inuu London ka dhaco, shirkaa dhinac kasta oo ka hadlay wuxu tilmaamayaa in qodobka koowaad ee inna hagaya shirkaas iyo shirarka la midka ahba inuu noqdo danta Somaliland, taas waynu isku wada raacsannahay, wuxuun-baa lagu kala geddisan yahay sida ugu habboon ee danta Somaliland aynu u fushan karno shirkaas iyo kuwa la midka ah waa sidee? Qaabka ayuun baa la hadal hayaa oo ra’yiyo kala duwan laga bixinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlayey shirka London lagu qabanayo bisha labaad ee sannadkan mar uu shalay hadal ka jeediyey xaflad Urur-siyaasadeedka Xaqsoor ku furay xafiis uu Hargeysa ku yeeshay.

Md. Xasan Ciise Jaamac waxa uu hadalkiisa ku daray oo yidhi; “Maamulkeennu wuxu soo qaaday oo uu yidhi; ‘Shirkaa London talo qaran baannu ka galaynaa, haddana wuxu raaciyey saddexda Xisbi ayuun baannu la shiraynaa, waa qoraalkaan arkay anigu. Waxaan leeyahay dee taasi talo Qaran maaha, saddexda Xisbi immika marxaladdii Ururrada ayey dib ugu noqdeenoo 15-ka Urur ee jira ayey 18 ku yihiin, 18 siman oo ummaddaadii ka mid ah inaad u xaqsoorto weeyaan baannu ku leenahay maamulka oo 18-kaba talada wax ka siiso ama iskaba daysid.”

“Talo Qaran oo ballaadhan oo muxaafid iyo mucaarid ummaddu u dhan tahay Bari iyo Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi ayuun baa arrintaas oo kale lagu wejihi karaa oo lagaga bixi karaa. Maanta cadawga Somaliland wuu jeestaynayaa oo wuu dammaashaadayaa dagaalka Bariga ka taagan awgii, waayo Somaliland baa gudeheedii isku jabtay, markaa waxaynu doonaynaa inaynu cadawgeenna kaga nixinno oo aynu nabad helno Insha Allaah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato Md. Xasan Ciise Jaamac oo muddo siyaasadda ka hadhay, hase ahaatee, hadda Faraskiisa kooruhu saaran yahay.

Xasan Ciise Jaamac waxa kale oo uu ka hadlay colaadda ka taagan deegaannada Buuhoodle oo uu ku tilmaamay inay arrintu tahay kugu dhimay oo kaa dhimay, isla markaana waxa uu ku baaqay in dagaalkaa la soo afjaro, wadahadalna iyo heshiis nabadeedna la isugu yimaaddo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.