Xasan Sheekh oo mugdi geliyay mustaqbalka siyaasadeed ee Somalia

0

Muqdisho-(Berberanews)-Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa eedo u jeediyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

”Waa xaqiiqo aan la jecleyn in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse Soomaaliya waxaa ay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag, waxaan ku baaqayaa xasillooni iyo aragtiwadaag” ayuu yidhi madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Xassan Sheekh ayaa ka danbeeyay muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo oo dhamaaday, kuna ekaa maanta.

Halkan ka dhegayso waraysi uu VOA siiyay Xasan Sheekh Maxamuud.