“Xasilinta labada dhinac [Soomaaliya iyo Somaliland] waxay muhiim u tahay gobolka Geeska Afrika,” Abiy Axmed

0

Jigjiga-(Berberanews)-Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed, ayaa iftiimiyay muhiimada ay u leedahay nabadgelyada Geeska Afrika.

“Xasilinta labada dhinac [Soomaaliya iyo Somaliland] waxay muhiim u tahay gobolka Geeska Afrika,” ayuu yidhi Abiy Axmed oo  ka hadlayay shirweynihii Xisbiga Dawlad-deegaanka Somalida Itoobiya oo shalay ku qabsoomay Jigjiga.

Dr Abiy wuxuu sheegay in isagoo ka jawaabaya codsi uga yimi odayaasha dhaqanka oo ka codsaday inuu kala dhexgalo dawladda Federaalka Somalia iyo Somaliland uu bishii hore bilaabay isu soo dhawaynta labada dhinac, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi, “

“Waxaan soo dhaweynayaan dadaalada xasilinta ee ilaa iyo haatan ka socda gobolka, waana in horey looga sii dhaqaaqaa.

Anigoo ka jawaabaya dalabkaasi, dowladeyda waxay bishii hore bilowday in ay nabad ka dhex-dhaliso labada dhinac,” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Madaxwayne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa dhowaan si yaabo gaar-gaar ah kula kulmay rayrsal wasaaraha Itoobiya, iyagoo kawada hadlay wadahadalada dhex-maraya.

Waa socdaalkii labaad oo uu Abiy ku tago xarunta dowlad degaanka. Maalmo kadib doorashadiisa ayuu bixiyay safarkiisii koowaad.