Xavi Oo Shaki UU Ku Jiro Inuu Ciyaari Karo Kulanka Habeen Danbe Ee AC Milan.

0

Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa war laga walwalo ka helay waaxda caafimaadka ee kooxdiisa ka hor kulanka lugta labaad ee wareega 8da Champions League ee ay la ciyaarayaan AC Milan, iyadoo ay macquul tahay in Xavi uu dhaawac dartiis ku seego, sida ay ku warameyso El Mundo Deportivo.

 

Kubadsameeyahan saameynta badan leh ayaa ciyaaray kaliya 15 daqiiqo kulankii Barcelona ay 2-0 kaga badisay Atheltic Bilbao sabtidii waxaana uu sidoo kale seegay tababarkii shalay dhibaato muruqa ka heysata aawadeed.

Ilaa iyo haatan si cad looma yaqaano ilaa iyo inta uu la egyahay dhaawaca 32 jirkaan, lakiin waxaa laga yaabaa inuu seego kulanka Camp Nou ee habeenka talaadada. 

Xavi ayaa la filayaa inuu maanta maro baaritaano caafimaad, si loo ogaado inuu ciyaari karo kulanka Milan iyo in kale.

Mustafe Maxamud

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports