Xildhibaan Ka Tirsan Guurtidda Oo  Sheegay In Odayaal Dhaqameedka Muqdisho Ka Yimid Uu Soo Abaabulay Wakiilka Qarmadda Midoobay Ee Somalia

0

Hargeysa (Berbera news)  – Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa ka digay wax uu ku tilmaamay shirqool Somaliland ka dhan ah oo laga soo maleegay xafiiska qaramadda midoobay ee UNSOM ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY, kaas oo xaruntiisu tahay magaaladda Muqdisho Somalia.

 

Xildhibaan Maxamed waxa uu ku eedeeyey UNSOM inuu socdaalka ay madaxdhaqmeedka Soomaaliya ku yimaadeen Somaliland inuu soo qorsheeyey NICOLAS KAY, kaas oo xussay in socdaalka madaxdhaqmeedkaasi in lagu majaro-habaabinayo arragtida beesha caalamka ee wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, isaga oo ka xog-waramay qorshaha cusub ee xafiiskaasi oo uu ku dooday inuu damacsan yahay in mustaqbalka dhaw wada-hadalada labada dhinac oo looga wareego wada-hadalo loo furo madaxda dhaqanka ee Somaliland iyo Somalia.

 

Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta ka soo saaray magaaladda Hargeysa, kaas oo uu nuqul ka mid ah na soo gaadhsiiyey, isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhigmayey sidan:- “Maanta oo bishu 12/5/2014 waxaan si kooban ugu hadlayaa arrintan todobaadadii ugu danbeeyey hadalka bulshadda ee ku jihaysnayd waftiga madaxdhaqmeedka ah ee ka socda Soomaaliya ee socdaalka dhawaan ku yimid Somaliland inay xambaarsan tahay ujeedooyin la rabo in arragtida beesha caalamku wakhtigan kula socotay wada-hadaladii ka socday dalka Turkiga ee u dhexeeyey dawladda Somaliland iyo Somalia ee beesha caalamku goob jooga ka tahay ishana ku haysay sida ay u socdaan wada-hadaladaasi waxa la doonayaa in beesha caalamka  laga dhaadhiciyo in maadaama oo qolooyinkii siyaasiyiinta ahaa ee Somaliland u metalayey wada-hadaladu ay sheegeen inay ku shaqaynayaan rabitaanka shacbiga Somaliland, isla markaana aanay waxba ka badali Karin shirarka ay gadh-wadeenka ka yihiin siyaasiyiinta dalku ayaa si loo majaro-habaabiyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira Somaliland waxa bilaabay xafiiska qaramadda midoobay ee UNSOM ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY oo hore loogu sheegay inaanu xafiiskiisaasi Somaliland dan u ahayn, loogana baahnayn inuu Hargeysa xarun ka samaysto, isla markaana sida uu warbixintiisii ugu danbeeyey ku cadeeyey uu golaha amaanka ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa u sheegay inaanu xafiiskiisu aanu shaqadii loo baahnaa aanu qabanin isla markaana ay dawladda Somaliland-na ku diiday in Hargeysa laga furo taasina ay keentay inuu hawshii loo sameeyey iyo ujeedadii laga lahaa xafiiskiisaasi aanu qabanin.

 

Sidaa darted waxaan shacbiga horumarka jecel ee dedaalaya ee reer Somaliland iyo xukuumadda taladda haysaba uga digayaa qorshaha dah-soon ee looga dan leeyahay socdaalka odayaasha dhaqanka ee ka yimid magaaladda Muqdisho, waxaana jira xogo iyo xaqiiqooyin cad-cad oo ku taxaluqa socdaalka odayaasha dhaqanka ee Somalia iyo cida ka danbaysa iyo waliba halka ay ka helayaan dhaqaalaha ay ku baxaya, waxaana sida xogo mihiim ah oo laga helay arrimahaasi ay sheegeen in hawsha odayaashan laga soo abaabulay xafiiska qaramada midoobay ee UNSOM ee magaaladda Muqdisho ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY, kaas oo uga dan leh inuu ku majaro habaabiyo arragtida beesha caalamku ku eegayso in loo tuso in ismari-waaga Somaliland iyo Somalia ee labadda mawqif kala taagan in laga dhigo in lagu dhamaynkaro xaga dhaqanka maadaama oo ay Soomaalidu aad u ixtiraamta dhaqanka, taas oo xalka kaliya ee jira lagaga dhigayo in xaga bulshadda rayidka ah ee Somaliland laguna qanciyo midnimadii la eeday ee boqolaalka kun ee qof inooga dhinteen, iyada oo uu xafiiska NICOLAS KAY doonayo inuu dunida u tuso sawir muujinaya in bulshaddani ay raali ka tahay midnimo danbe iyo nidaamka ay qaramada midoobay dabada ka riixayso ee Federaalism-ka, maadaama oo dawladda Somaliland la ogyahay inaanay ka hor imankarin rabitaanka shacbiga dalka.

 

Dhinaca kale waxaan bulshadda u sheegayaa in arrintani tahay shirqool dhagaraysan oo laga soo maleegay Muqdisho, iyada oo qorshaha ugu wayn ee laga leeyahayna yahay in lagu Majaro-habaabiyo hanaanka wada-hadalada Somaliland iyo Somalia si loogu marro arimahaasi xeelado ka duwan qaababkii uu hore caalamku ugu soo daalay, taas oo ah tan uu maanta soo dhoob-dhoobay NICOLAS KAY ee uu doonayo in beesha caalamka la tuso in la bilaabay is-dhexgalkii dhaqanka ee bulshooyinka Somaliland iyo Somalia, iyada oo sida aynu ognahay in imika la qaaday talaabadii 1-aad ee qorshaha NICOLAS KAY oo imika ay Somaliland ku sugan yihiin madaxdhaqmeed ka socda Somalia oo shirar kala duwan la yeelanaya madaxdhaqmeedka deegaanadda kala duwan ee Somaliland. Waxaana qorshahaas ku xiga in marka danbe looga gudbo wada-hadaladaasi in madaxdhaqmeedka labada dhinac ka wada hadlaan hab-dhaqan oo horseeda heshiisyo dhaqan si aakhirka dib loogu abuuro midnimadii Soomaaliyeed ee la eeday.

 

Ugu danbayn waxaan baaq dheer u soo jeedinayaa Madaxwaynaha Somaliland, Golle-yaasha qaranka, shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland guddo iyo dibadba iyo xisbiyada qaranku inay ka digtoonaadaan qorsheyaasha cusub ee uu Somaliland u soo maleegayo cadawgeeda oo uu kaw ka yahay xafiiska UNSOM ee magaaladda Muqdisho. waxaana sida xaqiiqada ah lagaga hortagi karaa khatarahaasi cusub midnimda iyo isku duubno, iyada oo dhamaanteed ay waajib inagu wada tahay difaacida madaxbanaanida Somaliland.

 

Waxaan kaga baxayaa oo aan leeyahay xukuumadda Somaliland taladda haysaa arrimahan ha ka ciyaarto doorkeeda oo beesha caalamka ha u bandhigto ujeedada dhabta ah ee madaxdhaqmeedkaasi, iyada dunida laga saarayo shakiga uu xafiiska UNSOM galinayo madaxbanaanida iyo qadiyada dalka, iyada oo aanu socdaalka madaxdhaqmeedkaasi wax isbedel ah marnaba ku keeni karin rabitaanka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Berbera news/Hargeysa.