Xildhibaan ku baaqay in la maxkamadeeyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

0

Hargeysa (Berberanews) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, kana mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo jeediyay in taliyaha ciidanka Qaanka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, maxkamadd la soo taago.

Xildhibaan Nacnac waxa uu sheegay in ciidamada Qaranka Somaliland ku dhibaataysan yihiin xuduuda ay Somaliland la wadaagto maamul gobolleedka Puntland, isaga oo nasiibdaro ku tilmaamay in askari 27-sanno u shaqaynayay in Kelyihii ay istaageen isla markaana aanu taliyaha ciidanka Qaranku aan ka warqabin maalin kaliyana aanu soo booqan askariga xannuunka u jiifa.

Xildhibaan Nacnac waxaa uu sidoo kale madaxweynaha Somaliland, ugu baaqay in uu wax ka qabto dhibta askarigaasi, maadama oo uu isagu askari dareemaya dhibaatada askari nimadu leedahay.

Halkan ka Daawo