Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ma waxay Noqdeen Beerta Hyed Park ee Ingiriiska

0

Berbereanews-Shacbiga  Somaliland, markii ugu horreysey taariikhda waxay soo doorteen xildhibaano uga wakiil noqda Baarlamanka sanadkii 2005 mudada ay wakaalada dadweynaha haysteen waxa ay ahayd 5 sanadood oo ku ekayd 2010.

Waxay ahayd marku waqtigu dhammaado in ay ku soo noqdaan shacabkii soo doortay oo ay qiimeeyaan, oo qaarna dib u soo doorta 5 sanadood dambe qaarna daaqada ka tuura oo kuwo kale ku beddela. Si kastaba ha u dhacdee may dhicin.

Golaha wakiilada waxa beddeli kara gole kale oo la soo doortay si aanu fakaak[vacuum] u iman waxa muddo kordhin u sameeyey golaha guurtida oo iyagaba sharciyada ay ku fadhiyaan mid dood geli karta. Waxa golaha Guurtida lagu soo xulay shirbeeleedkii lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama1993kii oo xubnihii waagaa la soo xulay badankoodu dhinteen kuraastiina ay ku fadhiyaan kuwo ay dhaleen ama isxigaan oo dhaxal ahaan u helay.

Golaha wakiilad Somaliland wuxuu la mid noqday Hyed Park [Hyed Park] waa beer weyn oo ku taal London ee carriga ingiriiska. Dadkuna isugu yimaadaan gaar ahaan waqtiga xagaaga oo qofka hadal hayo halkaa ku sii daaya fikirkiisana wuxu doono ha ahaado, waa jaanta rogan

Waxaan hadalkayga ku soo oodayaa in xildhibaanado hadalkoodu iyo ficilkood aanay cidna ku metelin ee iyaga ku koobanyahay.

Cabdi Xuseen Maraykan