Xildhibaanno ka socda Baarlamanka Jabuuti oo kulammo la yeeshay Wakiillada Somaliland iyo Wasiirka Ciyaaraha

0

Hargeysa-(Berberanews)- Mudanaayasha golaha wakiiladda Somaliland fadhigoodii maanta ku qaabilay shan ka mid ah haweenka xildhibaanada baarlamaanka dalka Jamhuuriyadda Djabuuti, kuwaasi oo shalay booqasho ku yimid Magaaladda Hargeysa.

Xildhibaannada ka socda Baarlamanka Jabuuti oo Jimcihii shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, iyaga oo si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay la kulmay Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanay uga warrameen ujeeddada ay u socdeen oo ay ka mid tahay isbarasho dhex-marta labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti, gaar ahaan Haweenka ku kala jira labada Baarlamaan.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayay hadal kooban ka soo jeedisay Hoggaamiyaha Weftiga Xildhibaannada Haweeka Baarlamanka Jabuuti Marwo Caasha Maxamuud Rooble, waxaanay aad ugu mahad-celisay sida Somaliland loogu soo dhaweeyay, iyada oo xustay inay ku faraxsan tahay inay Somaliland yimaaddaan, isla markaana la kulanto Baarlamanka Somaliland iyo Ururrada Haweenka Somaliland oo ay ka wadahadli doonaan arrimaha khuseeya horumarinta Haweenka labada dal oo Dumarka Baarlamaannada labada dal ku kala jira ay Wakiil ka yihiin. “Waxaan u mahad-naqayaa dadkii badnaa ee ay ka mid ahaayeen ururrada Haweenka Somaliland, Xildhibaannad iyo Shir-guddoonka Baarlamaanka Somaliland.” ayay tidhi Caasha Maxamuud Rooble oo ka hadlaysay xarunta Baarlamaanka Somaliland. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi; “Waxa annagu aanu ku faraxnay hawadii qaboobayd ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa ka dhacaysay oo lafteedu na soo dhawaysay iyo sidii fiicnayd ee la noo soo dhaweeyay.” Waxaanay Marwo Caasha Maxamuud Rooble, sheegtay inay Somaliland iman doonaan dhawaan Xildhibaanno Rag ah oo ka socda Baarlamanka Jabuuti, maaddaama oo ay iyagu yiin Haween.

Intaasi ka dib Haweenkan Xildhibaannada ah ee ka socda Baarlamanka Jamhuuriyadda Jabuuti waxay kulan gaar ah la yeesheen shir-guddoonka golaha Wakiillada Somaliland. Hase-yeeshee, kulankaas oo ahaa mid xidhan warbaahinta looma sheegin waxa lagaga wadahadlay.

Xildhibaannadan Haweenka ah ee ka socda Baarlamanka Jabuuti waxa maanta qado-sharaf u sameeyey Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, oo ka codsaday inay dawladda Jabuuti qayb ka qaadato horumarinta Ciyaaraha Somaliland ee ay Wasaaraddiisu u xil-saaran tahay. Iyaga oo Xildhibaannada Baarlamanka Jabuuti ballan-qaadeen inay Wixii farriimo ah ee iyo waxyaabaha iskaashi looga baahan yahay ay gaadhsiin doonaan dawladdooda iyo Golaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay ka tirsan yihiin.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigaa maanta loogu qaybiyey laba Xeer oo kala ah Xeerka la-dagaallanka Budhcad-badeedda oo Khamiistii golaha Wasiirradu ansixiyeen iyo Xeerka Baananka, kuwaasi oo Xidlhibaannada laga codsaday inay ka soo baaraan-deggaan, isla markaana soo akhriyaan qodobbada Xeerarkaas, si maalmaha soo socda ay dooddoodu uga bilaabanto golaha, ka dibna loo ansixiyo ama la hakiyo, iyaga oo Mudanayaashu wax ka beddel iyo kaabis ku samayn kara waxyaabaha ay isku raacaan inta badan Xildhibaannadu in saluug ku jiro.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.