Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Guddoomiyaha Golahaas ku eedeeyey awood maroors

0

Hargeysa(Berberanews):- Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Guddoomiyaha Golahaas ku eedeeyey awood maroorsi iyo in taladii Goluhu lahaa isaga iyo Koox siday tilmaameen ay isku xidhan yihiin mararoorsadeen, ka dib markii ay maanta Aqlabiyadda Golahaasi duudduub ku ansixiyeen Xeerka doorashada Madaxtooyada oo Golaha Wakiilladu toddobaadkii hore soo ansixiyey ka dib markii sida la sheegay kaabis iyo waxka bedel kooban lagu sameeyey.

Fadhigii Golaha Guurtida ee Axaddii Maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, ayey Mudanayaasha ka soo horjeeday in duudduub lagu ansixiyio, isla markaana doodayey in laga doodo qodobbada Xeerka oo mid mid loo dul-istaago, waxay tilmaameen inay ka soo horjeedeen qodobbo uu ka mid yahay mid dhigaya in qof waliba halkii uu iska diiwaangeliyey ka codeeyo doorashada, taasoo ay tilmaameen inaan loo baahnayn waqtigan maaddaama oo ay dalka abaaro dad badan barokiciyey ka jiraan.

Waxaannu Xildhibaannada eedeeyey Guddoomiyaha iyo waxay u cuskadeen diidmadoo iyo sidoo kale Mudanayaasha u codeeyey in Xeerkaas duudduubka lagu ansixiyey maanta lagu meel-mariyo-ba hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-