Xildhiban Barkhad oo ka sheekeeyay qisada wiil baalashle ahaa oo mutacalin noqday

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ka sheekeeyay qisada wiil yar oo agoon ah oo ku jiray duruuf adag oo uu ku shaqaynayay baalash, balse markii ay is barteen ee uu warraystay duruufta haysata oo dedaal u galay sidii uu agoonkaa yari wax u baran lahaa, islamarkaana dad muxsiniin ah oo uu la hadlay ay dammaanad qaadeen nolosha qoyskaas.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ka qaybgalay munaasibad uu ku qalinjebiyay wiilkaas yar ee agoonka ahaa ee uu isagu sababta u noqday inuu waxbarasho helo.

Munaasibadda Qallinjebinta oo ka dhacday Magaalada Hargeysa, ayuu Xildhibaabku kaga warramay sidii ay wiilkaas yar isku barteen iyo heerarkii kala gedisanaa ee waayaha.