Xinif wuxuu yidhi. “Burco ninbaa farta ku wareejinaya” WQ M Saleban Deer

0

“Sxb Kir qudhaa igu hadhayoo kirtaana kaygaan la sugayaa” !!!!
——————————

Hadalkaasi ama jaahilnimo ha ka ahaado ama eray uu usoo dhiibtay ninka uu sheegaya ha ka ahaato ama doqoniimo’ba e.

Wuxuu caayay oo uu wax u dhimay.

1. Masuuliyaddii uu u hayay Qaranka,
2. Ammaankii magaaladda burco.
3. Caqligii , Culimadda , cuqaasha, Ciroolaha iyo cududda burco.

Intaaba waxbuu u dhimay, oo wuxuu qiraal ka yahay in uu shaqsi isagu u arko qof awood leh uu magaaladdii burco Xasiloonideedii iyo caqligeediiba ka adkaaday. !

Xinif hadii uu masuuliyaddiisii xil dayacay sida hadalkiisa ka muuqata oo uu ka cabsaday qofkaa uu sheegayo. Muxuu u caayay Caqligii ummadda reer burco iyo ammaankii gobolka ba. ?

Ma isagaa iminka danbiile ah? mise cidda uu sheegayo. ?

Laba nin oo biyoolayaal ahaanjiray ayaa markay soo rawaxayaan habeenkii way isku soo lug dari jireen oo ay kasoo wada bixi jireen #jiir dheer oo xaafaddooda ku taalay iyagoo dameeradoodiina wata!

Habeen habeenada ka mid ah ayaa iyagoo jiirtii xaagadooda kasii baxaya ayuu midi ku yidhi kii kale “Sxb dameerka Kir ii dheh”

Wuxuu kii kalena ugu jawaabay “sxb Kir qudhaa igu hadhayoo kirtaana kaygaan la sugayaa”

Iminka waxaan leeyahay Madaxwaynaha.

Mudane, Madaxwayne, #Xinif Kir qudhaa ku hadhaye Xilka cid hanan karta u dhiib. Oo ummadda u soo dhaamin karta. Inta aanu odhan hadhaw “Somaliland wiilkayagaa farta ku wareejiya.” !! Iyo wax la mid ah.

Maxamed Saleeban Yaasiin Deer