Xisbiga UCID oo Si Kulul u Cambaareeyey qaabkii loola dhaqmay Ku-xigeenkii 2-aad ee KULMIYE

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa cambaareeyey qaabkii loola dhaqmay Guddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, kaasoo si jujuub ah shalay looga saaray madasha uu ka socday shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ee Huteel Maansoor, ka dib markii xilkaa looga xayuubiyey, isla markaana xubinnimadiisii golaha dhexe iyo Xisbiga-ba laga saaray, ciidammana loo adeegsaday.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo Ciidammada loo adeegsaday oo uu horkacayey Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan dhaawacyo ay soo gaadhsiiyeen loo dhigay Cusbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Hase-yeeshee, Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, oo War-saxaafadeed galabta ka soo saaray xaruntooda Hargeysa, waxay cambaareeyeen tallaabadaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir lagula kacay, isla markaana waxay ku tilmaameen mid ceeb iyo naafa-nimo u keenaysa dimuquraaddiyadda Xisiga muxaafidka ah ee KULMIYE iyo Somaliland-ba.

War-Saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga Ahna Guddoomiye ku-Xigeenka 1-aad ee Xisbiga UCID Aadan Jaamac Hoorri, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID, wuxuu cambaaraynayaa falkii foosha-xumaa ee ka dhacay kal-fadhigii saddexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagula kacay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE  Md, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.

Run ahaantii haddii abaal la gudayo wuxuu ahaa nin u soo halgamay Xisbiga KULMIYE iyo jiritaanka Somaliland-ba una huray naftiisa iyo hantidiisa-ba, hase-yeeshee, loogu abaal-guday ka xayuubin xilkii uu ka hayay hoggaanka sare ee Xisbiga.

Xisbi ahaan waxaannu u aragnaa in masuulkan Shirweyne lagu doortay, isla markaa Shirweynana lagaga qaadi karo Xilka. Arrintani waxay dhaawacaysaa Dimuqraaddiyadda Xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo ta Somaliland-ba.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.