Xisbiga Waddani oo war cusub ka soo saaray heshiis ay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye wada saxeexdeen

0

Hargeysa(Berberanews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa war cusub ka soo saaray heshiis ay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye wada saxeexdeen maalmo ka hor, isla markaana ku sheegeen in doorashada la qabanayo waqtigeeda, isla markaana guddiga doorashada ee hadda joogtaa diyaarinayaan, siina tabobbari doonaan guddiga beddeli doonta, sidoo kalena kawda bisha siddeedaad la xuli doono guddiga cusub.

Hase-yeeshee, Xisbiga Waddani oo aan qayb ka ahayn heshiiskaas, ayaa sheegay mawqifkiisa rasmiga ah ee ku aaddan heshiiskaas iyo halka uu ka taagan yahay, isaga oo xusay inaanu qayb ka ahayn heshiiskaas, sidoo kalena ay diyaar u yihiin waddani ahaan doorasho xilligeeda dhacda oo xor iyo xalaal ah, balse aanay laba xisbi go’aan ka gaadhi karin arrintaas.