Xoghayaha arrimaha dibedda ee dawladda Ingiriiska oo ka hadlay nuxurka kulan uu Muqdisho kula yeeshay Madaxda Soomaaliya

0

Muqdisho-(Berberanews)- Xoghayaha arrimada dibedda ee dawladda Ingiriiska William Hague iyo Weftii uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isla markaana waxa uu kulammo la yeeshay madaxda dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha arrrimaha dibedda Ingiriiska, ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, waxaanay labada masuul ka wadahadleen Shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee 23-ka bishan lagu qaban doono London oo ay dawladda Ingiriisku marti-gelisay.

“Waxaan ku faraxsannahay imaanshihiisa, waxaana rejeynaynaa inay caalamka kale ku dhiirrigeliso inay yimaaddaan Muqdisho oo marxalad wanaagsan maraysa. Kulanka waxaa la iskula gartay in shirka London looga hadlo arrimaha guud ee dalka Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim oo shir jaraa’id oo wada-jir ah ay wada qabteen isaga iy o Xoghayaha arrimaha dibedda ee Ingiriisku kulammada ay yeesheen ka dib.

Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibedda ee Ingiriiska William Hague, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin shirka London iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya. Waxanu yidhi; “Maanta waxaan soo gaarnay aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo Muqdisho, waxaan kulan la yeelannay madaxda dowladda KMG ah, gaar ahaan Madaxweyne Shariif, waxaanannu kala hadalnay shirka London ka dhacaya bisha soo socota iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, waana isla garannay wixii aan ka hadalnay oo dhan.”

Xoghayaha arrimaha dibedda ee dawladda Ingiriiska, ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dalka fashilmay ee ugu weyn dunida, kaddib dagaallo sokeeye oo ka jiray 20-sano oo xidhiidh ah. “Waxay Soomaaliya u qalantaa inay hesho aayo wanaagsan kaddib 20-sano oo colaad ah oo dhibaato aan maskax-gal ahayn laga dhaxlay. Waxaa loo baahan yahay in loo helo Soomaaliya xasillooni waarta.” Sidaa ayuu yidhi Hauge.

Shirka oo uu uu qabanqaabadiisa wado ra’iisul wasaaraha Britain ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan ururro caalami ah oo ka socda 40-dal, iyadoo xukuumadda London ay sheegtay in shirkan uusan ahayn mid dib u heshiisiineed, balse uu yahay mid lagu raadinayo nabadda Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.