Xoghayaha Guud ee WADDANI oo Magacaabay Hoggaanka Ururka ee Gobolka Sanaag

0

Hargeysa (Berberanews)- Xoghayaha Guud ee Urur-siyaasadeedka WADDANI Mr. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa magacaabay hoggaanka ururkiisa ee Gobolka Sanaag.

 Hoggaankan oo ka kooban toban xubnood oo ah masuuliyiinta sare ee gobolka u qaabilsanaan doona ururka iyo madaxda garabyada taageerayaasha, waxa magacaabistooda lagu faahfaahiyey war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud Mr. Uurcadde, kaas oo u qornaa sidan;

 “Iyadoo shirweynihii urur-siyaasadeedka WADDANI oo ka socday laba maalmood (8-9 April) caasimadda Hargeysa lagu soo gebagebeeyey guul iyo wadajir, laguna doortay hoggaan si aqlabiyad ah siduu qorayo qodobka 21aad, faqradiisa 5aad waxa shirweynaha lagu doortey; Guddoomiyaha WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Axmed Muumin Seed, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Md.Faarax Muxumed Cabdule (Faarax-dheere), Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad Md.Cabdillaahi Siciid Ismaaciil (Dheere), Guddoomiye-ku-xigeenka 4aad Md.Cabdi Raygal Beegsi, Guddoomiye-ku-xigeenka 5aad Milgo Maxamed Cilmi iyo Xoghayaha Guud Maxamed Cabdillaahi Uurcadde. Sidoo kalena lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah xeerka, barnaamijka, guddida fulinta iyo golaha dhexe siduu dhigayo qodobka 21aad faqradihiisa 3aad, 6aad ee xeerka ururka WADDANI.

Dhinaca kale, urur-siyaasadeedka WADDANI isagoo ogsoon muhiimadda Gobolka Sanaag, isla markaana tixgalinaya in la helo maamul daadejin, waxa Gobolka Sanaag loo doortay hoggaankan heer gobol oo kala ah:

 Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Mr. Maxmed Jamac Xasan (Daaday), Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Jamac Muuse Carraale, Xoghayaha Gobolka Sanaag Cabdirasaaq Maxamuud Axmed, Afhayeenka Gobolka Sanaag Yaasin Cali Maxamed, Guddoomiyaha Garabka Haweenka Saynab Jaamac Maxamed, Guddoomiyaha-ku-xigeenka Garabka haweenka Fadxiya Maxamed Cabdiraxman, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Maxamed Ibraahin Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Dhallinyarada Ibraahim Cali Cige, Xogahayaha Garabka Dhallinyarada Siciid Cawad Cali,” ayuu warsaxaafadeedkiisa ku yidhi Xoghayaha Guud ee ururka WADDANI Mr. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde