Xogo dheeraad ah:Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo si Degdeg ah ugu Dhoofay Jabuuti , kadib markii ismaandhaaf diblomaasiyadeed ka dhashay Wufuud Reer Jabuuti ah oo uu Khamiistii Dalka ka Horjoogsaday

0

04-May-2012-Somaliland-(Berberanews)- Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa si degdeg ah duhurnimadii maanta ugu duulay dhinaca waddanka Jabuuti, kadib markii ismaandhaaf diblomaasiyadeed ka dhashay laba wefti oo reer Jabuuti oo uu Khamiista shalay ka horjoogsaday inay soo galaan gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland,

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa la sheegay in ujeedda socdaalkiisa degdegga ah la xidhiidho sidii dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti uga qancin lahaa sababaha keenay inuu wufuudda dalkooda ka socday loogu diiday inay soo galaan gudaha ciidda Somaliland, kuwaas oo laga celiyey magaalada xuduudka taal ee Lawyacaddo.

Ilaa hadda labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti midkoodna kama hadlin sababaha rasmiga ah ee weftigaas loogu diiday inay soo galaan gudaha Somaliland, balse ilo-wareedyo kala duwan ayaa shabakadda Berberanews u sheegay in socdaalka kediska ah ee Wasiir Duur ku tegay Jabuuti uu salka ku hayo sidii uu masuuliyiinta dalkaas ugala soo hadli lahaa arrimo ku saabsan madmadow la tilmaamay inuu beryahan dambe soo dhexgalay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyey dawladaha Somaliland iyo Jabuuti.

Haseyeeshee, si cad looma oga in socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee kediska ah ka dambeeyey codsi dawladda Jabuuti kaga dalbatay xukuumadda Somaliland in laga qanciyo asbaabaha keenay in weftigooda laga horjoogsado soo gelista dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Warku waxa uu intaa ku daray in amarka weftiga reer Jabuuti lagaga celiyey Somaliland uu bixiyey Wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur), isagoo go’aankiisaasna ku sababeeyey in aanay xukuumadda Somaliland waxba kala socon socdaalka weftiga dalka laga horjoogsaday oo sida la sheegay ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Biyaha iyo Tamarta iyo Maareeyaha Dekedda ee dalka Jabuuti.

Geesta kale, weftiga ka socday dawladda Jabuuti oo laga celiyey intii aanay soo gelin xuduudka Somaliland ee magaalada Lawyacaddo, ayaa ilo-wareedyadaasi ujeeddada socdaalkooda laba arrimood oo midkood tahay inay u socdeen sidii ay u soo eegi lahaayeen mashruuc biyo-qodis ah oo dawladda Jabuuti ka waddo degaanka tuulada Toqoshi ee gudaha Somaliland, halka warar kalena ku xidhiidhanyeen in safarkoodu la xidhiidhay arrimo siyaasadeed.

Dhinaca kale, waxa jira warar kaloo tibaaxaya jiritaanka wefti labaad reer Jabuuti ah oo iyagana isla shalay laga celiyey magaalo-xuduudda Lawycaddo, hase ahaatee si dhab ah looma oga ujeeddooyinka wufuudda ka socday dawladda Jabuuti ee Wasiirka Daakhiliga Somaliland ka horjoogsaday inay dalka soo galaan.

Berberanews kala soco warar sugan oo mihnad saxaafadeed hagayso

info@berberanews.com