Xukuumadda oo ka gubatay hadalladii Dr. Gabboose Jawaab aan ciddii ku habboonayd odhanna ka bixiysay

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed-Siilaanyo, ayaa ka gubatay naqdi iyo eedaymo uu Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ahna Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose u jeediyey Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, isla markaana ka bixisay jawaab loo adeegsaday La-taliye ay Gabboose isku beel guud yihiin.

Dr. Gabboose oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta, ayaa cambaareeyey qaabkii foosha-xumaa ee loola dhaqmay Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo dhaawacyo loogu geystay Shirkii golaha dhexe ee KULMIYE oo Axaddii toddobadkan lagu soo gebo-gabeeyey Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ka dib markii si jujuub iyo xoog ah Askar loo adeegsaday uga saareen hoolkii shirka dhaawacyana gaadhsiiyeen, damqashana uga geysteen dhabarka oo uu dhawr sano ka hor ka jabay. Isla markaana laga xayuubiyey xilkii iyo xubinnimadii xisbigaas.

Taas oo uu Gabboose ku tilmaamay fawaaxish iyo wax lid ku ah dimuquraaddiyadda Somaliland iyo ta KULMIYE. Waxa kale oo uu Gabboose sheegay inuu qaladkii ugu weynaa muddadii uu siyaasadda ku jiray uu ahaa ololihii uu u ololeeyey Madaxweyne Siilaanyo doorashadii madaxtooyada 26 June 2010 dalka laga qabtay iyo u codayntii Siilaanyo, taasoo uu sheegay inuu Bulshada raalligelin ka siinayo, isla markaana cafis ka dalbanayo.

Haddaba, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo shir jaraa’id maanta ku qabtay huteelka Imperial ee Caasimadda Hargaysa, ayaa jawaab ka bixiyay hadallada ka soo yeedhay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UMADDA Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo. La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinku waxa uu xusay in GuDdoomiyaha urur-siyaasadeedka UMADDU aanay ahayn markii  u horraysay ee uu eedayn waxba kama jiraan ah sida uu hadalka u dhigay u soo jeediyo Xukuumadda uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ka soo ahaa, isagoo sheegay in Dr Maxamed Cabdi Gaboose uu caado ka dhigtay inuu bulshada Somaliland ka dalbado Cafis afka baarkiisa ah.

La-taliye Abees, waxa uu tusaale u soo qaatay xiligii dawladdii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Illaahay ha u naxariistee oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Gabboose ka ahaa mar, isagoo wakhtigaas markii xilka laga qaaday ummadda ka dalbaday ayuu yidhi inay cafiyaan muddadii uu dawladdaas la shaqaynayay.

La-taliyuhu waxa uu tilmaamay markii Madaxweynaha Somaliland la wareegay talada dalka 27-kii bishii July 2010-kii wuxuu maalin ka dib Dr. Gaboose u magacaabay kuna maamuusay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha oo ah sida uu sheegay Wasaarad murayad iyo halbowleba u ah dawladnimadda isaga oo Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaas uga godob-galay sida uu xusay Siyaasiin faro badan oo si kasta ugaga xaq lahaa xilkaas sida uu sheegay Abees.

Maxamed Muuse Abees waxa uu intaas ku daray in kursiga isaga Gaboose loo magacaabay ay ahayd halka ay ka dhalatay tabashada iyo cadhada fogeysay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir sida uu hadalka u dhigay La-taliye Abees.

La-taliyaha arrimaha doorashada ee Madaxweynaha Somaliland Maxamed Muuse Abees waxa uu xusay in Dr Maxamed Cabdi Gaboose uu ahaa shakhsiyaadkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u fuliyay damacoodii ku aaddanaa furashada ururrada siyaasadda, waxaanu intaas ku daray inuu ka mid ahaa oo kale xubnaha ugu dhaw-dhaw Madaxweynaha ee uu mar walba tixgeliyo talooyinkooda.

La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinku waxa uu ku dooday in hadallada xajiinta siyaasadeed ka dhadhamayso ee ka soo yeedhay Dr. Gaboose aanu  ku helayn wax taageero siyaasadeed ah, sida uu ku dooday la-taliyuhu.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata inay ka gubatay eedaynta iyo naqdiga Dr. Gaboose u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo, Xukuumaddiisa iyo Xisbil-xaakimka KULMIYE, sida ay muujinayso jawaabta durba ka soo yeedhaysa rag aan cambaaraynta Gaboose jeediyey jawaabtoodu ku habboonayn, iyaga oo ay joogaan Afhayeenka Madaxweynaha oo isagu xaq u leh wixii Madaxweynaha khuseeya inuu ka hadli karo, Xisbiga KULMIYE oo hoggaankiisii joogo, haddana in La-taliye arrimo doorasho oo ay haybta guud wadaagaan u jawaabo, waxay u muuqanaysaa wax xaqiiqada u dhaw, isla markaana ciddii ku habboonayd inay ka jawaabaan ku adkaatay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.