Xukuumadda Oo Qaadaysa Talaabooyin Ay Ku Ilaalinayso Saxada Biyaha

0

(Berbera news) Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen  Cabdi Boos, ayaa sheegay inay wasaaradiisu  qaaday tallaabooyin ay ku ilaalinayso bedqabka saxada biyaha ceelasha gobollada bari ee abaarta kulul ka jirto si aan xanuunno looga qaadin.

Wasiirka biyaha u waramay Wargeyska Dawan oo aanu warkan ka soo xiganay, ayaanu wax ka weydiinay siday wasaarad ahaan iskaga xil saaraan ilaalinta saxada biyaha ceelasha gobollada bari, waxaanu  ka waramay dedaalkooda la xidhiidha sidii loo ilaalin lahaa bedqabka biyaha ceelasha.  “Annagu wasaarad ahaan kullamo ayaanu ka yeelanay ay nala wadaageen khabiirrada wasaaradda ee dhanka biyaha, maxsuulkii kullamadaa ka soo baxayna waanu ku hawlgalley oo waxaanu hawlgeliney kooxo  Wasaarada Khayraadka Biyaha ah, kuwaasoo qaaday daawooyin sida koloriinta  la dagaalanta jeermiska biyaha ku dhasha, sidoo kale waxaanu ka sugaynaa  kooxahan natiijooyin qeexaya doorka ay biyuhu ku yeelan karaan xanuunkan shuban biyoodka,”ayuu yidhi Wasiirka Biyuhu.

Wasiir Xuseen Cabdi Boos,  wuxuu intaas ku daray  in aanay waxba ka jirin warar sheegaya in ceelasha biyaha ee riiga lagu qoday biyahoodu yihiin qaar macdantu ku badan tahay, waxaanu yidhi; “Waxa waxba  kama jiraan  wararka sheegaya in ceelasha biyaha ee riiggu qodo inay biyahoodu macdantu ku badan tahay.Waxaan  leeyahay biyaha ceelasha ee birri  qoddayga ahi waa biyo nool oo aanu jeermisku ku noolaan karin, way dhici kartaa in biyaha reer guuraagu ku kaydsadaan dhulka dushiisa uu ku dhasho jeermis, sidoo kale ay la wadaagaan reer guuraaga habar dugaaggu iyo weliba xayawaannada kale  sida daayeerka, taasi oo kale waa la odhan karaa waa sifooyin sababi kara in jeermis yimaado.”

Wasiirka Khayraadka Biyuhu wuxuu xusay inaanay baadhitaannada shuban biyoodka aanay marna wasaaradda Caafimaadku sheegin inuu ka dhashay biyo wasakh leh, waxaanu yidhi, “Wasaaradda Caafimaadka waxaanu nahay kala shaqo, laakiin waxaanu ku mataanownaa ka shaqaynta nolosha bulshada  in muddo ahna iyada shaqaalaheedu way ku hawlanaayeen la dagaalanka xanuunkan shubanka iyo xakameyntiisa mana jirto wax qoraal ah oo ay noo soo gudbiyeen oo ah waxyeello ay biyuhu xambaarsan yihiin oo sababay waxyeeladan soo gaadhay maatada abbaartu haleeshay, waxaana ugu badan ee cudurkan abuurayaa waa nafaqo darro.  Hase ahaatee  dadkeenna raacatada ah, haddii biyaha dhankooda aan saxayo waxaannu wax ka saaraynaa biyaha noocyadoodu kala duwan yihiin ee duruuftu meel walba ka jirtay sida dad cabi jiray biyo macaan oo loo geeyey biyo qadhaadh iyo sidoo kale kuwo qadhadh isticmaali jiray oo loo geeyey kuwo macaan.”

Berbera news.