Xukuumadda Siilaanyo oo Jabuuti ku raalli-gelisay Khayraadka Illaahay ku mannaystay Badda iyo Berriga Somaliland

0

Erayo gef ku ah Dawladnimada Somaliland oo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti….Hargeysa-(Berberanews)- Dawladda Jabuuti ayaa u muuqata mid duullaan siyaasadeed oo ay kaga faa’iidaysanayso khayraadka Dabeeciga ah ee Illaahay Somaliland ku mannaystay, sida Biyaha iyo noocyada Kalluunka ka buuxa Badda Somaliland.

Wasiirro ka tirsan Somaliland iyo Jabuuti, ayaa Isniintii toddobaadkan heshiis ku saabsan in Jabuuti ka faa’iidaysato khayraadka Kalluunka Badaha Somaliland iyo Biyaha deegaannada Galbeedka Somaliland ee gobolka Selal ku kala saxeexday magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dawladda Somaliland aanay awood u lahayn inay ilaaliso khayraadka Baddeeda, sidaa daraaddeedna, ay Maraakiib Shisheeye Fadhataysi ku hayaan khayraadka Badaha Somaliland.

“Waxaannu nahay laba dal oo wax badan wadaaga, waxaannu halkan ku kala saxeexannay heshiis la xidhiidha in Jabuuti iyo Somaliland ka wada faa’iidaystaan Khayraadka Biyaha iyo Kalluunka Badda Somaliland. Jabuuti waxay leedahay Marso wayn oo caalami ah, wax badan baannu ka caawin karnaa. Sidaynu ognahay Badda Somaliland waa Bad weyn oo ballaadhan oo khayraad badan leh, kaasoo ay Fadhataysi iyo boob ku hayaan Maraakiib shisheeye, dawladduna aanay awood u lahayn inay wada ilaaliso Badda, sidaa daraaddeed, waxaannu ka wada shaqayn doonnaa ilaalinta Badda iyo Khayraadkeeda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo Isniintii toddobaadkan Warbaahinta kula hadlay Jabuuti markii ay Wasiirrada Somaliand ee Arrimaha dibedda iyo Arrimaha gudaha kala sexeexdeen heshiiskaas laba geesoodka ah ka dib.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyey kulanno ay magaalada Jabuuti ku wada yeesheen Wasiirrada Arrimaha dibedda iyo Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo dhinaca Somaliland ka socday iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyo sidoo kale, kulan kale oo Wasiirrada Kalluumaysiga iyo Arrimaha dibedda Jabuuti iyo Wasiirrada arrimaha dibedda iyo gudaha ee Somaliland oo mar kale isla maalintaa kulan ku yeeshay magaalada Jabuuti.

Heshiiskan ayaa ka mid ahaa heshiisyo hore u dhexmaray labada dawladood, hase-yeeshee, uu is-hortaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka dib markii ay isku af-garan-waayeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la sheegay inuu ka cago-jiiday dalabyo Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu u fuliyo Somaliland oo la sheegay inay qaddiyadda gooni-isu-taagga iyo arrimo kale ka mid ahaayeen.

Lama garan karo sababta heshiisyadii hore Somaliland u diidday ee dhinacyada Biyaha iyo ka faa’iidaysiga Khayraadka Badda ee Jabuuti rabtay wakhtigan ku qasbay inay u fududayso dawladda Jabuuti. Heshiisyadan ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii dawladda Somaliland xadkeeda dib uga celisay Wefti Wasiirro dawladda Jabuuti ka tirsani la socdeen oo doonayey inay u soo gudbaan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selal ee Somaliland, iyada oo markii Weftigaa dib loo celiyey Khamiistii hore isla maalintii Jimcaha si deg-deg ah Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ugu dhoofay Jabuuti, iyada oo wararku sheegeen in arrinta kediska ah ee Jabuuti uu u tagay la xidhiidho codsi ka yimi dhinaca dawladda Jabuuti oo soo dalbatay inay Somaliland ka qanciso sababta Weftigeeda Somaliland xadka uga celisay.

Si kastaba ha ahaatee, waxay dad badani u arkaan heshiiskan mid ay Somaliland Jabuuti kaga raalli-gelisay arrintaas, maaddaama oo ay sannad ka hor diidday meel-marinta heshiiskan dawladda Somaliland.

Xigasho Wargeyska Ogaal.