Xukuumadda Somaliland oo faahfaahin ka bixisay sababaha ay uga noqotay wadahadalkii Soomaaliya

0

Hargeysa(Berberanews)- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha ay Xukuumadda Somaliland uga noqotay hawadahal ay la geli lahayd dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Wasiirku wuxu sheegay inay Somaliland ka noqotay inay wadahadal la yeelato Soomaaliya, ka dib markii sida uu ku dooday Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed jebiyey qodobka lixaad ee qodobbada laga soo saaray shirkii magaalada London ee waddanka Ingiriiska Soomaalida loogu qabtay 23-Kii bishii February ee sannadkan, ka dib markii uu Xubno Wasiirro ah oo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ku soo daray Guddi toddoba xubnood ah oo uu magacaabay toddobaadkii hore. Waxaanu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ka noqoshadaa ku shaaciyey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

“Waxa ay masuuliyiinta dawladda KMG ah ay ku dareen Guddidooda xubno kale oo dheeraad ah  oo runtii baal-marsan sidii ku talagalku ahaa iyo arrimihii aas-aaska u ahaa  in  labada geesood ee Soomaaliya iyo Somaliland ay wadahadlaan,  arrimo baalmarsan ayaa ka muuqday in Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya soo saaray.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaannu u aragnaa arrimo carqaladayna in wadahadal wanaagsani dhex maro sidii ay beesha caalamku ku baaqday labada geesoodna (Soomaaliya iyo Somaliland) ay oggolaadeen in uu dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya.”

“Waxaannu ugu baaqaynaa in arrintaas laga noqdo oo ay ku koobnaato Soomaaliya iyo Somaliland oo u wadahadlaya qaabkii markii  hore lagu heshiiyay, waxaannu annagu halkan ka caddaynaynaa inaannaan ka qaybgalayn wadahadalada hore loo shaaciyay , haddii aanu Madaxweynaha   dawladda KMG Soomaaliya (Sheekh Shariif) wax ka baddelin go’aammada ay ku sii fidinayo Guddida.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi, mar uu ka hadlayey sida ay ula muuqdaan maamul-goboleedyada Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Ixtiraan ayaannu u haynaa maamul-goboleedyada ka jira Soomaaliya , hadday tahay  Puntland, Gal-Mudug   iyo hadday yihiin kuwa kale. Laakiin, heshiishkan iyo wadahadallani waxay ahaayeen,  kuwo qeexan cidda ka qaybgalaysaa, waxa weeye dawladda Somaliland iyo dawladda KMG ah ee ka jirta Soomaaliya ama  ta ka dambaysa ee la filayo inay dhalato bisha August ee sannadkan.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.