Xukuumadda Somaliland oo go’aan adag ka soo saartay adeegyada Zaad iyo E-dahab

0

Hargeysa-(Berberanews)-Kulan degdeg oo ka dhacay madaxtooyada Somaliland oo uu shirguddoominayay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagaga hadlay sidii wax looga qaban lahaa sicir barar beryahan saameeyay nolosha guud ee dadweynaha Somaliland.

Shirkaasi ayaa go’aamada laga soo saaray waxa ka mid ah in lacagaha lagu qaato Mobilada ee ZAAD iyo E-Dahab  100 $ (boqol dollar) wixii ka yar aan lagu shuban karin. sidaasi  waxa  Warbaahinta u sheegay wasiirka madaxtooyada Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta Suuqyo ku yaalla Hargeysa iyo Berbera albaabada loo laabay sicir babarka Awgii.