Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay caddaysay inay ka qaybgalayso shirka Soomaalida ee London

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay caddaysay inay si toos ah uga qaybgalaysho shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida ee dawladda Ingiriisku magaalada London ee dalkeeda ku qabanayso 23-ka bishan aynu ku jirno.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa daboolka ka qaaday inay Somaliland ka qaybgalayso shirka Soomaalida loogu qabanayo Ingiriiska oo lagu soo martiqaaday, ka dib markii sida uu sheegay dawladda Ingiriisku u caddaysay inay Somaliland shirka kaga qayb-geli doonto qaab ka maamuus duwan sida ay uga qaybgalayaan maamullada ka jira dalka Soomaaliya ee Puntland, Galmud iyo kuwo kale.

“Waxa jiray wadahadallo xidhiidh ah oo u socday dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo la xidhiidhay qaabka Somaliland uga qaybgelayso shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhacaya magaalada London, markaa waxa dawladda Ingiriisku noo caddaysay in aanay Somaliland qayb ka ahayn khariidadda nabadda (Road Map) ee lagaga hadlayo shirka London, arrintaas oo ku kooban qaybaha kale  ee dalka Soomaaliya iyo sidii nabad waarta looga hirgelin lahaa Soomaaliya dhibaatooyinka colaaduhu ragaadiyeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo caawa u warramay Horn Cable TV, isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa oo uu shalay dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Waxaanu Wasiirka arrimaha dibedda oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Waxay Ingiriisku noo sheegay in shirka London aannu wax saamayn ah ku yeelanayn Jamhuuriyadda Somaliland, balse loo baahan yahay talada Somaliland ka geysanayso qaabka xasillooni looga hirgelin karo Soomaaliya, sidaa darteed uu ka qaybgalka shirka London faa’iido u leeyahay Somaliland, maaddaama oo lagu casuumay madax badan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada caalamka.”

“Wadahadallada aannu la yeelanay dawladda Ingiriiska waxa nooga soo baxay in werwer badan oo shirka London naga hayey ama aannu ka qabnay hadda naga baxay oo ka qaygalkeennu aanu wax saamayn ah ku yeelanayn madax-bannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Dawladda Ingiriiskuna arrintaasi way noo caddaysay,”. ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi.

Sida oo kale, waxa uu Wasiirku  sheegay in daraasad badan oo Somaliland shirkaas ku samaysay ay ka soo baxday in ka qaybgalka shirka London uu Somaliland u yahay fursad qaali ah, waxaanu yidhi; “Markii aannu darisnay shirka arrimaha Soomaaliya ee London, isla markaana aragnay qaabka dawladda Ingiriisku shirkaas uga qaybgalayso Somaliland waxa noo soo baxday in Somaliland fursad weyn ugu jirto ka qaybgalka shirka London, taas oo wax u taraysa qaddiyadda madaxbannaanida iyo aqoonsi-raadinteenna, iyadoo madaxda reer Somaliland ee ka qaybgala shirka London heli doonaan fursad ay madaxda adduunka iyo hay’adaha caalamka ee iyaguna shirkaas ka qaybgalaya kaga dhaadhiciyaan qaddiyadda goonni-isu taagga Somaliland iyo taariikhda Somaliland leedahayba.”

“Doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London wuxuu yahay sidii ay Somaliland beesha caalamka iyo ka qaybgalayaasha shirkaas ugu soo bandhigi lahayd qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii aannu talo uga gaysan lahayn qaabka xasilloonida iyo kala dambaynta loogu soo dabbaalayo dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya, dawladda Ingiriiskuna waxay doonaysaa in laga faa’iidaysto khibradda Somaliland u leedahay dhisidda dawladnimadda iyo adkaynta nabadgelyada, markaa sida dalal kale  ee jaarka la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya iyo Uganda u doonayaan in xal loo helo dawlad la’aanta ka jira Soomaaliya ayay Somaliland qudheeduna doonaysaa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey oo uu yidhi; “Shirkaasna waxay Somaliland kaga qaybgalaysaa sidii ay beesha caalamka uga codsan lahayd in taageero loo fidiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Argagixisada oo ah waxyaabaha la doonayo in xoogga lagu saaro shirka London.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.