Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo Berri si weyn looga xusi doona Somaliland iyo Shaqaalaha dawladda oo la fasaxay

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xuska iyo weynaynta dhalashada dhalashada Nebegeenna Suubban ee Muxamed Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (S.C.W), ayaa Sabtida Berri magaalooyinka waaweyn iyo degmooyin Somaliland looga dabbaal-degayaa, waxaanay munaasibadda awgeed dawladdu fasaxday dhammaan shaqaaleheeda.

Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey si weyn looga dareemayey dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo xuska dhalashada Nebiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee. Iyada oo Xaflado lagu xusayo dhalashada Nebi Muxamed (S.C.W) iyo kuwo loogu –diyaar-garoobayo xuska dhalashada oo Sabtida Berri ku beegan lagu qabtay magaalooyin ay caasimadda Hargeysa ka mid tahay.

“Marwada koowaad waxay ku baaqday inay bulshada Somaliland si weyn u ogaan xuska dhalashada nabiga oo caawa ku beegan bisha Rabiicul awal 12 tahay. waxay intaasi ku dartay in Shacbi iyo Dawladba si wada jir ah looga wada qayb qaato dabaal dega iyo Fantasiyaha aynu ku weynaynayno Xuska 12 bisha Rabiicul Awal.” ayey tidhi Marwo Aamina-waris.

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde,  ayaa iyadu shalay ka qaybgashay Xaflad ay boqollaal ka tirsan Haweenka magaalada Hargeysa ku muujinayeen u diyaar-garawga xuska dhalashada Nebi Muxamed (S.C.W) iyo weynayntiisa, taasoo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Marwada koowaad ee Somaliland Aamina-waris, oo Xafladdaa ka hadashay ayaa sheegtay muhiimadda uu ummadda Muslimiinta ah u leeyahay Xuska iyo weynaynta dhalashada Nebigeenna Suubban ee Muxamed (S.C.W). Waxay Marwo Aamina-waris u mahad-celisay Dumarka reer Hargeysa ee soo qaban-qaabiyey Xafladdan ay ugu diyaar-garoobayaan xuska dhalashada Nebiga oo Sabtida looga dabbaal-degi doono gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Sidoo kale, waxa Xafladdaa ka hadlay Haween tiro badan oo ay ka mid ahayd Madaxa Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, waxaanay guud ahaanba Haweenka hadallada ka soo jeediyey Xafladdaas muujiyeen sida loogu baahan yahay, isla markaana ay muhiim ugu arkaan waynaynta Xuska dhalashada Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Waxa Xafladda lagu soo bandhigay Qasaa’id Nebi-ammaan ah oo ay Dumar qaadayaan iyo kow Rag ku luuqaynayaan, waxaanay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in Haween sidaa u badani ka soo qaybgalaan kulanka ay ugu diyaar-garoobayaan Xuska maalinta Sabtida ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Md. Muxumed Aw Cabdi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in maalinta Sabtida ee bari shaqaalaha dawladu fasax ka yihiin shaqooyinka munaasibada mawliidka Nabiga darteed. Dabbaal-degga munaasibadan ayaa maalinta Berri oo Sabti ah Shaqaalaha Dawladdu waxay fasax ka yihiin hawlahooda shaqo mawliidka nabiga darteed..

Si kastaba ha ahaatee, magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, ayaa sannadihii u dambeeyey si weyn looga xusaa munaasibadaha dhalashada Nebiga, Dheelminta Nebiga (S.C.W) iyo Xusaska kale ee la midka ah, iyada oo lagu xuso Xaflado lagu qabto Huteellada waaweyn ee magaalooyinka.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.