Yaa ka danbeeya dagaalka ku socda reer Saaxil?

0

Waxaan la soconaa intii Kulmiye xukunka qabtay inuu dagaal degaamaysi ahi uu ku socday reer Saaxil gaar ahaan maamulkii beeleysnaa ee Siilaanyo oo ku dadaalay inuu beeshiisa khasab kaga dhigo inay ka mid noqdaan degaanka Berbera iyagoon weligood ku yeelan xildhibaano. Waxa u suurto gashay doorashadii aan diiwaangelinta lahayn inay waraaqo been abuur ah oo gaar loo siiyay ay ku shubtaan doorashadii degaanka oo ay soo saaraan 6 xubnood oo xaaraan ah. Waxay kaloo isku dayeen inay duqa magaalada ama ku-xigeenkiisa xeelad iyo xoog dowladeed ku la wareegaaan!, haseyeeshee arintaasi uma suurto gelin oo waxa ka fashilay gudoomiyihii waqtigaa Ramaax.

 Waxa kaloo jirtay in beesha CM saamigii ay ku lahaayeen shaqaalaha ee magaalooyinka Berbera, Burco, Hargeysa aan la siin. Tusaalo ahaan magaalada Burco waxa ka jira 30 haya’dadood oo dowladeed oo laga siiyay mid qudha- (isuduwaha gaadiidka). Sidoo kale Hargeysa, Gebilay, Wajaale aanay shaqaale kahayn?.

Hadaba markii maamulka MBC oo si xoogle ay ugu codeeyeen beesha CM waxa la filayay inuu cadaalad sameeyo oo saamiga ay xaq u leeyiin siiyo, haseyeeshee nasiib darro xaalku wuxuu noqday kadar oo dibi dhal iyo lama filaan!.

Waxaa uu ku talaabsaday inuu dhamaan manasibtii ay haysteen waqtigii Siilaanyo u ka qaado uu weliba ku wareejiyo beeshiisa ama beelaha kale, gaar ahaan Berbera.  Waxa muuqata inay jirto colaad aan lagaranayn sababteeda oo MBC u hayo Reer Saaxil, taasina waxay ka muuqataa shaqooyinka uu ka eryay ka sako isagoo mashaariicdii horumarineed ka qadiyay.

Hadaba arinta maanta taagan ee shaqaalaha madaarka  Berbera oo noqotay sheeko badheedh cad ah oo muuqata in dowladu si badheedh ah ugu jirto taana waxa cadaynaysaa ninka loo dhiibay maareeyaha madaarada oo ahaa ninkii labaad ee ku lamaanaa M.Xaashi ee ka qaybgalay wareejintii hawada Somaliland oo loogu abaalguday inuu mar labaad kusoo noqdo wazaarada si uu u fuliyo howshan foosha xun- dirty job- ee la rabo in shaqaalaha loo diido dadkii ku xaq lahaa, waayo magaala kasta shaqooyinka dowlada waxa haya dadka degaanka u ah sida Burco, Hargeysa,  Boorama, Laas Caanood, Ceergaabo, Gebilay.

Go’aankii dulmiga foosha xun ee lagula dhaqmayo reer Saaxil iyagay u taalaa siday wax isaga celin lahaayeen! Waayo NIMAAM HADLAN HOOYADIINA WAX MA SIISO!.

Hadaba maxay ku dhacday in Berberi bililiqo noqoto oo lagu xadgudbo dadkii u dhashay oo sharci gaar ah lagula dhaqmo??!!  Ma waxa larabaa inay rebshadi ka aloosanto oo mashaariicdii ka socotay istaagto??!! Waa maxay se colaada ay iska dhaxleen Jeegaanta Siilaanyo iyo MBC ee ku hayaan beesha CM.

Hadii aynu dib u milicsano taariikhda Berbera intii dowladnimada ka horaysay ee la ahaa beelaha nina kuma dhici jirin inuu kusoo duulo ama uu taladeeda hungureeyo ama ku xadgudbo, kuwii isku dayayna wey ku fashilmeen, xitaa Ingriiskii ayaa laga diiday amarkutaaglayn!,.Markaa waxa caqli xumo ah inagoo dowladnimo ku heshiinay oo distoor ku yeelanay inaan dowladnimadii xumayno oo isugusoo gabano!.

Runtii madaarka Berbera waxa uu maamulkii Siilaanyo ku lunsaday xoolo badan oo hoos ahaan looga qaatay  kiradii Imaaraadka, iyo lacagtii ay ku deeqday Kuwait, dabadeed mudo dheer ayuu sabab la’aan u xidhnaa iyadoo reer Berbera shaqaalaha loo diidanaa!. Iminkana waxa cad inay beela gaari rabaan inay maamulaan madaarka shaqaalahana iyagu qaataan iyagoo ka faa’iidaysanaya awooda dowlada! Oo ay weliba ku magacaabaan sharikad aan jirin! ee dad la garanayaa leeyiin! oo runtii sheeko gabowday oo hore loo sameeyay ah, loona baahnayn in lagu celceliyo.

Waxa loo baahanyay in dowladu sheekadan faashilka joojiso oo maamulaha madaarka u magacowdo nin reer Berbera ah dabadeed uu isagu qorto shaqaalaha loo baahanyay sida Hargeysa ba uu maareeyaha iyo shaqaaluhuba u yaihiin degaanka Hargeysa.

Reer Saaxil waxa la gudboon inay shir isugu yimaadaan oo arimaha intay gorfeeyaan ay gudi daacad ah samaystaan oo u hadasha iyagoo ka fogaanaya bidhiidhi-qaatayaasha cad quudheedka ku nool ee magaca CM dilay.

Goobjooge