Yaa Magacaabi Kara Agaasimaha Guud Ee Komishanka Doorashooyinka?.

0

Madaxbanaanida shaqo iyo hawl-wadeenadda hay’adda doorashooyinka qaranka waxa loo raacayaa xeerarka doorashooyinka qaranka, xeer-nidaamiyayaasha, xeer hoosaadyadda, iyo habraacyadda ay soosaaraan guddiga doorashooyinka qaranku. Marka lagga hadlayo qaab-dhismeedka komishanka doorashooyinka qaranka waxa la sugayaa xubnaha, xarumaha, hal-waddeenadda iyo awoodaha. Siddaa darteed marka Madaxweynuhu hello soo-jeedimaha golaha guurtidda iyo xisbiyadda waxa uu magacaabayaa guddiga doorashooyinka qaranka, kadib ansixinta gollaha wakiiladu marka ay idlaato waxa halkaa ku hadhaya wax magacaabis layidhaa oo ka immanasa Madaxtooyadda, oo waxa isku-dubaridka, dhaqaajinta iyo hirgalinta qorshayaasha iska leh guddiga doorashadda iyo guddoomiyahooga- sidda heykalka iyo curfigga dawligu dhigayo maamul-daadajintu waa hannaan dawladnimo.

Agaasinka fullinta ee guddiga doorashooyinkuna wuxuu ka mid yahey hawl-wadeenadda iyo shaqaallaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Markaa magacaabista Agaasimaha guud ee guddiga doorashooyinka qaranka waxa magacaabaya Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxana ansixinaya xubnaha guddiga. Dabeecadda hay’addaha dawladdu isku mid ma aha. Waayo? Hay’addaha madaxa-bannaan waxa lagu dhisaa Xeer-Madaxweyne oo hella kalsoonidda xeer-dajinta ama xeer-sharci-dajineed oo dhaqan-gal noqda. Haddaba xeerarkaa ayaa Madaxweynaha u oggolaadda magacaabista, siiya na awoodaha uu leeyahay. Haddaba Xeerka Guud Ee Doorashooyinka Iyo Diwaangalinta Cod-Bixiyayaasha Xeer Lr.91/2020 meelna kuma soo qaadin magacaabista Agaasimaha laakiin wuxuu ka hadlayaa shaqaallaha iyo hawl-wadeenadda komishanka- taasi oo loogga turjumanayo in agaasimuhu yahey shaqaallaha komishanka, balse aanu ku imman karin digreeto Madaxweyne. Sidda guddoomiyuhu u magacaabayo agaasimaha waaxaha kale ayuu u magacaabi karaa agaasimaha fullinta, xitaa erey-bixinta agaasime guud maaha sax marka laga hadlayo hay’addaha madaxa-bannaan waa in la isticmaalaa agaasimaha fullinta.

Abdikani MandelaYaa Magacaabi Kara Agaasimaha Guud Ee Komishanka Doorashooyinka? Ma Madaxweynaha? Mise Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka? Mid kee?

Abdikani Mandela