Yuusuf Shaacir oo ka cudur daartay Xilkii Somalia u magacowday

0

Hargeysa-(Berberanews)- Abwaan Yuusuf Cabdulle Cisman (Yusuf Shaacir) oo dhawaan dowladda Somalia u magacowday Guddida dhaqanka iyo fanka, ayaa ka cudur daartay magacaabistaas.

Yuusuf Shaacir wuxuu sheegay in Somaliland iyo Somalia isku hayaan siyaasad, sidaas darteedna aanu aqbalayn xilka wasiir Somalia ka tirsani u magacaabay.
Isagoo Somaliland u soo jeediyay inay la timaado hal abuur, “Hadaad hal abuur la iman weydo wasiirradaadaa la magacaabayaa.
Wixii aan siyaasad ahan ee dhaqan ah waa ka wada shaqaynaynaa.”

Halkan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran.